Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Jsl oo Tobabar u furay Isu-duwayaasha Gobaladda Dalka

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa Tobabar saddex cisho ah uga Furay Isu-duwayaasha Gobaladda Dalka hoolka shirarka ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

Wasiirka oo shirkan tobabar ka ah furay ayaa Isu-duwyaasha kula dardaarmay dardargalinta shaqadda wasaaradda ee gobaladda waxaanu yidhi “xil baa ina saaran inayanu nin walaba meesha uu joogo uu xilka ka gun tado wixii wajibaad sarana ka soo baxo nin waliba wuu haystaa job description isuduwe walba iyo maamule walba oo gobal jooga wuu hayaa job description kiisa, kii aan hayna waa in la siiyaa, inaad hawlihiinaa ka soo baxadaan baanu jeclanahay iskuna xidhanataan oo uu ugu horeeyo agaasimaha guud waax dhana waa laydin sameeyay oo ah xidhiidhka gobolada waaynu sugaynaa hawshi macdanta iyo tamartaba inay dardarteeda la soo baxado meelaha qaar waxa ka socda mashaariic hor leh ay kamid yihiin gobolka Sool, Laascaanood , magalaada Barbara iyo cerigaabo mashaariic laydh oo baaxad leh baa laga yabaa inay ka bilamaan magaalooyin hoos yimaadana waa laga yabaa inay laydh hor leh inuu ka bilaamo, waa laydin soo wada diray hagihii habraaca korontada waxa laydinka rabaa inaad wadaan in ay shirkadda laydh fidinysaa ay wasaaradda keento qorshaheedii dabadeena wasaaradu u ansixiso waxaynu dibu habayn ku samaynaynaa waxaynu dibu habayn ku samaynaynaa laymankii hore ee loo jiiday sida aan cilmiyasnayn oo hadii ay mudo sidaa ahayd khatartedii baa badataye in dib loo soo habeeyo laga ma marmaan weyaan qorshe yaasha noocaas ah ayaa laydinka donyaa inaad fulisaan.”

Geesta kale Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa Isu-duwyaasha gobaladda ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jsl ayaa soo dhaweeyay isagoo sheegay in kulankani yahay kii kowaad ee ay si official ah ku kulmaan iskuna bartaan Isu-duwayaasha waxaanu u sheegay in ay ka faaiidaystaytaan tobabarkan kaasi oo ka caawin doona habsami u socdka hawlaha shaqe ee ay wasaaradda iyo qarankaba u hayaan.

Agaasime Maxamed Yuusuf ayaa ku dheeraday muhiimadda wada shaqeyneed ee Isu-duwayaasha iyo waxaaha ee wasaaradda iyo masuuliyadda saran ee gobalka.
Ugu Dambeyntii Agaasimo waxeedyadda wasaaradda ayaa iyaguna Tobabar siiyey qaabka shaqo wanaag iyo sidii dhanac looga wada shaqeyn lahaa mashaaricadda goboladda ka socdaa iyo doorka uu isu duwuhu ku yeelanayo, islamarkaana loo waafijiyo qorasha qaranka labaad iyo sidaa sannadkan oo looga soo dhex dheeganayo qorahaha wasaaradda.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Sxaafadda
W.T.M Jsl