Qoraaga jarmalka ah ee caanka ah “Sigrid Hunke” gabadha qortay buuga layidhaa “شمس الله تشرق على الغرب” buugaasi oo la daabacay 1960kii, sida oo kale waxa ay qortay buug la yidhaa “الله ليس كذالك” waa buug ay muslimiinta ilbaxnimadoodii iyo taariikhdoodiiba ay ku difaacayso.
Waxa aan ka soo qaatay hadal xikmadaysan oo muhiima, waxa uu ku saabsanyahay xaalad shabahaysa sida ay u noolyihiin maanta in badan oo muslimiinta kamid ahi taasi oo ah in ay aad ula ashqaraareen ilbaxnimada reer galbeedka, laakiin qaab caksi ah ayay uga hadlaysaa , cida hadlaysaa waa wadaad kiristan ah, oo kamid ah wadaadadii magaalada qurduba waxa uu hadalkan odhanayaa wakhti ay xadaaradii ama ilbaxnimadii islmaamka tanaaday oo ay ka kor noqotay xadaaradihii kale gaar ahaan tii kiristaanka, wuu dhaqaaqay isaga oo kor uqaadaya cabashadiisa kuna cabiraya kalamado saamyn leh oo sawiraysa dhibaatadiisa.
Wuxuu yidhi:- “in badan oo kamida dhalinta diintayda haysataa waxa ay akhriyayaan sheeko baralaydii carabta, waxa ay dhiganayaan kutubtii ay qoreen falaasifada muslimiinta iyo culimadoodu, uma akhrinayaan si ay buriyaan ee waxa ay u khrinayaan si ay uqurxiyaan luuqada carabiga , oo ay u wanaajiyaan ku hadlkeeda si waafaqsan qaab dhismeedka dabiiciga ah ee afkaasi, halkee ayaynu maanta ka joognaa ninka kiristanka ah ee aan mutakhasiska ahayn kaas oo akhrinaya tafsiirada laatiiniga ah ee injiisha? Bal waa ayo ka iyaga kamida ee dhiganaya afarta injiilood, anbiyada, iyo afartii dhambaal?
Alla hoogayaga’e! Dhalinyarada kiristanka dhamaantood maanta, kuwii ka dhex iftiimay ee kaga dhex muuqday qayrkood hibooyinkooda, ma garanayaan afcarabi wax aan ahayn iyo suugaanta carbeed, waxa ay aad u dhuuxayaan barashada maraajicda carabiga, waxa ay u hurayaan akhrinteeda iyo diraasaynteeda wax kasta oo ay awoodaan , iyaga oo ku bixinaya lacag aad u badan iibsashada buugta carabiga, waxa ay meelkasta si muuqata ugu faafinayaan in suugaanta carbeed ay mudantahy in lawayneeyo oo lala amakaago!
Haddii qof isku dayo in uu ku qanciyo in ay daliishadaan kutubta kiristanka waxay ay ugu jawaabayaan si quudhsi ah, iyaga oo u sheegaya in buugtaasi aanay danayn!
Alla musiibadayadaay! Kiristanku waxa ay gaadheen heer ay ilaabeen luuqadoodii hooyo, maanta lagama yaabo in aad ka hesho kunkii qofba hal qof oo awooda in uu warqad fudud urogo laatiini badqabta, dhica kale waa cagsiga ma awoodid in aad koobto tirada inta wanaajisa carabiga hadal ahaan qoraal ahaan, taa iskaba daaye waxa ka mid ah qaar carabi ku gabya, way ku xeel dheeraadeen xarfaana way ku noqdeen ilaa ay carabtii kaga dheereeyeenba.
Aabahii iyo Aasaasihii cilmiga bulshada Cabdiraxmaan ibnu khalduun ayaa waxa uu ku sheegay muqadamadiisa qaacido aad u caan baxday oo ku saabsan sida ay u saamayso cida awooda lihi ka bilaa awooda ah ee laga xoog roonaaday, wuxuu yidhi: “ waxa aad arkaysaa kii laga adkaaday oo isku ee kaysiinaya inta badan kii ka xooga batay sida xidhashada dharka, gaadiidka, qaab samynta hubka iyo noocyadiisa iyo dhamaan arimihiisa oo dhan……
Maanta oo wakhti badan laga jooga maalinta wadaadkaa kiristanka ahi ka calaacalayay isbadalka ku dhacay dhalinyaradii kiristanka ahayd ee wakhtigaa noolayd, isla isbadalkaa uu wadaadkaasi ka calaacalay ayaa maanta haysta dhalinyaradeenii, diintoodii, dhaqankoodii suubanaa, karaamadoodii dhamaan waxa ay ka horaysiiyeen ilbaxnimada reer galbeedka, dhib may lahaateen hadii ay inta fiican ka soo qaadanyaan, laakiin waxa ay ka soo qaateen intii ugu xumayd, sidaa aawadeed diinta dagaalka lagula jirro iyagaa kaga badan gaalada laftooda, Rabbi waxaan ka baryayaa in uu dhalinta noo hagaajiyo khayrkana inna waafajiyo dhamaanteen.
W/T:Cabdirisaaq Ibraahim Cali “Boodhle”