Soo koobida buugga 5-ta Luuqadood ee Jacaylka (WQ: Cabdiraxmaan Xuseen)

Soo koobid xoogey ah ayeynu ku soo gudbin doona Buugga; 5-ta Luuqadood ee Jacaylka, kaas oo uu qoray; Gary Chapman. Buuggani waxa uu ka mid yahay dhiganayaasha ugu faa’iidada badan ee ka hadla arrimaha wadda dhaqanka iyo wadda noolaanshaha Lammaanaha. Qoraaga buuggu maadama uu muddo badan ku soo dhex jiray arrimaha la talinta Qoysaska iyo xalinta khilaafyadooda waxa uu ku soo bandhiggayaa buuggan waaya-aragnimo iyo khibrad aqooneed oo caawisay Malaayin dad ah oo daafaha caalamka ku-kala nool, waxana buuggan lagu turjumay in ka badan 39-luuqadood.

Haddaba kolka ay noqoto wadda noolaanshaha lammaanaha waxa jira arrimo badan oo keena in dhexdooda iyo wadda-jirkooduba wanaagsanaado, xidhiidhkoodna noqdo Idanka Alle mid waara, isla jeerkaasna dhaxal-siiya guulo nololeed oo ay ku faraxsan yihiin gacallka is calmadday. Buuggan waxa lagu daah-qaadayaa Shan qaab oo jacaylka iyo wadda dhaqanka lamaanaha caawinaya dhalinayana in midba midka kale ku ag dareemo farxad, raynrayn iyo badhaadhe, waana muhiim in labada qof mid walbaaba barto luuqadaha Jacaylka ama dhaqanka uu qofkiisu ku dareemo jacaylka iyo farxadaba, weliba isla qofkaas isna ay tahay inuu/inay yaqaano/taqaano luuqada jacayl ee uu/ay ku dareemo/dareento jacaylka. Si haddaba aad isu ogaato Adigu habka aad jacayl ku dareento ama luuqadaada iacayl, una barato qofkaagu qaabka uu jacayl iyo jeclaansho ku dareemo aan gudda galo Shantaas hab oo kala ah:

1) Ereyo dhiirrigelin ah (Words of affirmation): Waxa jira qof jecel Dhiirrigelinta, mahad naqa, bogaadinta iyo hambalyaynta kol walba, una yaqaan jacaylka inuu qofkiisa ka helo bogaadin iyo xamaasaddayn marwalba oo uu/ay wax qabto, guulo gaadho ama si uun kale hawli ugu hirgasho. Waxa uu qofka/qofta jecel arrinkani daneeya/danaysa kuna nafisaa/nafistaa inuu/inay kolwalba qofkiisa/qofkeeda ka helo/hesho weedho iyo odhaahyo uu ku dareemo/dareemayso inuu/inay wax qabtay/qabatay oo muhiimna uu yahay/tahay.

2) Hadyad siin (Receiving gifts):

Qofbaa jecel in qofkiisu u hadyeeyo waxyaalo ka farxiya, waxana uu jacayl iyo daganaan ku dareema/dareentaa kolka uu qofkiisu u wax u hadyeeyo ama habab kale oo ku saabsan dhankaas uga farxiyo xiliyo iyo goobo kala duwan.

3) Qiimaynta wakhtiga (Quality time):

Waxa jirra isna/iyana qof agtiisa/agyeeda ay muhiim ku tahay/ku yahay qiima-siinta Wakhtiga iyo ilaalintiisa isla markaana jecel inuu/inay qofkiisuna/qofkeeduna aad ugu ilaaliyo balamahana lagana soo baxo xiliyada muhiimka ah, lana dhawro oo aan la ilaabin xilliyadaas. Waxa qofkani/qoftani muhiimad jacayl u yaqaan/taqaana qiimaynta wakhtiga, kolka lammaanihiisu/lammaanaheedu dhankaas u ilaaliyona/ilaalisona waxa uu galaya/galaysaa xaalad daganaasho iyo sareedo leh.

4) Baahi jidheed (Physical touch):

Waxa jira qof jacayl iyo farxad ku dareema kolka lammaanihiisu Dhunkado/dhunkado, laabta geliyo/geliso, u raaxeeyo/raaxeeyo, gacanta qabto/qabato ama si kaleba u taabto/taabato. Waxana uu aad u jecelyahay/jeceshahay inuu xili walba oo qofkiisa ay wadda joogaan uu helo/hesho wax ku saabsan taabasho Jidheed (Physical Touch).

5) Hawl isu qabasho (Act of service):

Waxa jira qof aad u daneeya inuu/inau qofkiisu/qofkeedu caawiyo/caawiso arrimaha Guriga, shaqada, banaanka iwm ee adeeg la qabto ku saabsan, waxana uu qofkaasi/qoftaasi aad u daneeya/danaysaa farxadna u dhaliya marka lammaanihiisu/lammaanaheedu qabto/qabato hawl u taalay ama qabyo tiroba/tirtoba mid hadhsanayd sida: Inuu/inay cunto dabka saarnayd ka qaado. Guriga arrin ka si ahaa hagaajiyo/hagaajiso iwm.

Ugu danbaynti;

“Buuggani kama hadlayo inahan oo kaliya waxa jira cutubbo kale oo dhawr ah kuwaas oo ka faaloonaya dhacdooyin iyo sheekooyin soo maray qoraaga isla markaana uu xaliyey badankooda kuwaas oo dhaliyey is fahan iyo wadda noolaansho guulaystay. Waan kugula talinayaa inaad buuggan akhrido.”

 

-Dhamaad

 

Waxa qoray: Cabdiraxmaan Xuseen