Xukuumadda Somaliland oo digniin culus u dirtay ganacsatada dalka

Wasiirka Wasaaradda Gudaha Somaliland Oo Awaamiir Culus Faray Ciidamada Kala Duwan Ee Dalka, Badhasaabada Iyo Maayiradu Iny Si Joogto Ah Ula Socdaan Sicirka Maceeshada Sharcigana Horkeenaan Ciddii Qaaliyeysa

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Shir Jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa fariin u diray Dhammaan Ganacsatada Somaliland isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan inay Bulshada ku qaaligareeyaan Maceeshada, Wasiirku waxa uu Amar faray Ciidanka Booliska, Ciidamada Kale ee Qaranka, Gudida heer qaran ee Gobolada, Badhasaabada, Maayirada, Gudoomiya-yaasha Tuulooyinka inay si joogto ah ula socdaan qiimaha Raashinka, ciddii qaali garanaysa ay sharciga horkeenaan islamarkaana la xidho ganacsigooda.

Wasiir Maxamed Kaahin oo Arrimahaasi ka hadlaaya ayaa yidhi “Waxaan faraynaa maanta dhammaan Guddiyada nabad gelyada Gobolada, Ciidanka Booliska, Ciidamada kale ee nabad gelyada ee Qaranka , Gudoomiya-yaasha, Maayirada, Xildhibaanada Degmooyinka, Maayirada Degmooyinka aan Xildhibaanada laga dooran inay si joogto ah ula socdaan Ganacsatada, Dukaamada,Baraakhlayda qiimaha raashinka lagu iibinaayo, cidd allaale iyo ciddii lagu arko in ay sicirkii kicinayaan in tallaabo laga qaado, sharciga la hortaago, ganacsigoodana la xidho.

Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in qofka maanta ka faaidaysta xaalada taagan  ay Dawladd ahaan ka qaadayaan tallaabo sharciya islamarkaana uu Ilaahay if iyo aakhiraba ciqaabayo wuxuuna yidhi “Dadkeena Somaliland ee heerkeene dhaqaaluhu joogo aynu garanayno ee 90% Danyarta u badan ee 30% Barakaca ah ninka maanta raashinka ku ciqaaba Ilaahay Ifkana wuu ku ciqaabayaa Aakhirana wuu ku ciqaabayaa”.

Wasiirku waxa uu ku tilmaamay in dadka bulshada iyo dawladdu ay la dagaalamayaan Karoona Fayras kale oo ah dadka sicir bararka wada ”Markaa dadka waxaanu u sheegaynaa Bulshada dadka Shicibka ah idinkaa wax iibsanaya Carrona Virus baynu la dagaalamaynaa, waxaynu gidigeen haddana la dagaalamaynaa dad kale oo Carrona Virus inagu noqda oo ina cuna qabateeya waa Carrona Virus labaad, mar haddaanay inoo naxayn innaguna waa inaanu iska qabanaa”.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan: