𝗠𝗮𝗻𝗰𝗵𝗲𝘀𝘁𝗲𝗿 𝗖𝗶𝘁𝘆 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝘂𝗴𝘂 𝗵𝗼𝗿𝗲𝘆𝘀𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗴𝘂𝘂𝗹𝗲𝘆𝘀𝗮𝘁𝗮𝘆 𝗸𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘆𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗡𝗮𝗮𝗱𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗬𝘂𝗿𝘂𝗯 𝗲𝗲 𝗨𝗘𝗙𝗔 𝗖𝗵𝗮𝗺𝗽𝗶𝗼𝗻𝘀 𝗟𝗲𝗮𝗴𝘂𝗲.

Kooxda Kubadda Cagta Manchester City ee ka dhisan wadanka Ingiriiska, ayaa markii ugu horreysay taariikhda hadda ku guuleysatay koobka Naadiyada Yurub ee UEFA Champions League (UCL).

Man City, ayaa ciyaar adag oo ka dhacday garoonka Ataturk ee ku yaalla magaalada Istanbul ee wadanka Turkey-ga, waxay Hal Gool iyo Ebar (Man City 1-0 Inter Milan) kaga badisay kooxda Taliyaaniga ah ee Inter Milan oo seddex mar horay ugu guuleystay koobkaan.

Goolka kaliya ee ay City ku badisay waxaa daqiiqadii 68-aad u dhaliyay ciyaaryahanka Rodri oo khadka dhexe ee difaaca uga ciyaara kooxdaas.

Naadigaan lagu naaneyso Muwaadiniinta oo horay ugu soo guuleysatay horyaalka Premier league-ga iyo FA Cup-ka Ingiriika, ayey sidoo kale u suuro gashay 24 sano kadib inay jabiso rikoodhka Ingiriiska oo dhan ay ka haystay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United; oo sidaan oo kale sannadii 1999-kii, kuwada guuleystay seddexdaan koob ee Premier league, FA Cup iyo Champions League-ga.

Macalinka layliyo naadigaan hadda guuleystay oo lagu magacaabo Pep Guardiola, wuxuu laba jeer oo hore u qaaday koobkaan, isagoo markisii seddexaadna caawa ku guuleystay, taasna waxay ka dhigeysaa inuu yahay tababaraha labaad ee horyaalada naadiyada Yurub ugu qaadista badan, marka laga soo tago Tababare Carlo Ancelotti oo afar mar horay koobkaan ogu guuleystay.

Ugu dambeyn ciyaarihii final-ka UEFA Champions League-ga ee sannadihii dhawaa dhacay badankooda waxaa lagu kala badiyay hal gool iyo Ebar sida caawa dhacday oo kale.

Bandhige@gmail.com