Siday Gabiley u Maamuustay Duuliye Axmed Dheere. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Bandhigii labaad ee buugga DUULIYIHII DADNIMADA ee Axmed Dheere ayaa gobolka Gabiley marti ku ahaa 11. 10. 2024. Madaxda gobolka oo uu ugu horreeyo Mayaarka, xoghayaha dawladda hoose iyo dhawr Xildhibaan ayaa safka hore kaga jiray soo dhaweynta iyo maamuuska Duuliyaha. Aqoonyahanno, cuqaal, waxgarad iyo ganacsato ayaa iyana goobta bilay. Gabadh hadal-yaqaan ah oo musjiso gobolka u soo kacsysa ah ayaa xafladda xidhiidhinaysay. Waanu u qaadannay Nimco Sabriye cusub oo saaxada ku soo socota.
= Maayarka hadal-jeediintiisu waxa ay ahayd mid kooban oo macno weyni ku jiro. Wuxuu ahaa nin deggan oo kelmadaha afkiisa ka soo baxaya u fiirsanaya. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa beri waraysi siiyey BBC-daa qaybta Afrika la hadasha. Werihii Waraysiga qaadayey ayaa yidhi” He choices his words carefully.” Tabtaasi oo kale ayuu Maayirku u dooranayey kelmadaha. Wuxuu nagu qaabiley weji nadiif ah oo aanay ka muuqan balwad iyo baalayo. Wuxuu goobtii ka ballan qaaday in Duuliyaha Gabile ay ka siiyeen beer uu ku nasto. Hadalkaasi wuxuu dhaliyey sacab lala sarakcay iyo mashxarad.
= Xoghayaha Dawladda hoose ayaa isna xafladda ka hadlay. Nin af-gaaban oo edeb iyo xushmadi ka muuqato ayuu ahaa. Xafiiskiisa ayaanu kula kulannay oo dad badani ku sugayaan. Dadku siday u soo kala horreeyeen ayuu kula kulmayey. Shaqo xawli ku socota ayuu wakhtigaasi hayey. Wejiga nadiifta ah iyo cibaado ayuu kala sinnaa Maayarka.
= Rugta Kutubta Gabiley, waxa ay ahayd goob nadiif ah oo ku taal deegaan deggen oo ku soo jiidanaysa. Madaxa rugta ayaa ahaa nin dhallinyaro ah oo soo dhaweyn fiican. Waxa na horkacay laba hablood oo ay ka muuqatay tababar iyo tamari. Waxa ay muraayada weyn naga tuseen tirada buugaagta taal, tirada dadka wax akhrista, siday akhrisku u kala yahay hablo iyo wiilal. Masuuliyiinta dawladda hoose ayaa gacanta ku haysa rugta. Way ku ammaanan yihiin dedaalkaasi.