Natiijada Doorashada Madaxtooyada qoddob ayaa Halis noqon kara. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Madaxweyne Biixi laguma yaqaanno inuu farageliyo guddiga doorashooyinka. Waxa daliil kuugu filan siduu ka yeelay doorashooyinkii isku sidkanaa ee Baarlamaanka iyo Deegaanka ee 2021. Waa tii Xisbigiisii aqlabiyadii lagaga guulaystay ee uu aqbalay. Isaga oo tixgelinaya cododka uu ku soo baxay waa kii Mooge oo Waddani iyo Ucid eryanayaan madaxtooyada ugu yeedhay ee Maayir ka dhigay.
= Halistu waxa ay fadhidaa in cododka ay labada musharrax Biixi iyo Cirro kala helayaan ay isu dhawaadaan. Muran weyn ayaa halkaasu ka dhici kara. Guddiga doorashooyinku waa inay wakhti fiican geliyaan hubsashada wixii lagu kala guulaystay. Imikadaa aynu joogno hawlaha guddiga doorashooyinka qabyo ayaa ka muuqata. Inkasta oo ay ku adkaysanayaan inuu wakhtigu ku filan yahay.