Tartanka Kubadda Cagta Kulliyadaha Jaamacadda Hargeisa

 

Tartanka Kubadda Cagta Kulliyadaha Jaamacadda Hargeisa

 

Xafiiska Xidhiidhka Arimaha Ardeyda Jaamacadda Hargeisi, Sannooyinkii ugu Danbeeyey wuxuu Hirgeliyey Tartano Ciyaareed oo bar-bar Socda Waxbarashadda kale,taasi oo kor u qaadey is-dhexgalka iyo is-barashada Ciyareed ee kulliyadaha jaamacaddu ka kooban tahay.Maanta oo taariikhdu tahay 16 October 2024 Waxa Furmaya  Tartankii Kubadda Cagta Sannadlaha ahaa.Ciyaarahaasi oo ah kuwo Marka loo eego dhanka cimilada iyo jawigaba wakhti ku haboon sannadka kaga beegmay.Sannadku sid uu  udhan yahayba reer somaliland kubadda cagta ayey ciyaaraan tartankana waa kubaddaasi uun.

Wadamo badan oo Addunka ka mid ah Iyaga oo kaalin muuqata ku leh hanaanka nololeed ee dunida haddana Qeybaha ciyaaraha wey ku danbeeyaan taasi oo loo sabbabeeyo Dhiirigelin la,aan Dhanka bulshadda ah ama dawladda.Waddamo badan oo Dadkoodu badan yahay ayaa haddana aan laheyn tayo ciyaareed oo tartanada Dalalka dhex mara ay kaga soo muuqdaan.Ciyaaryahano badana Marka ay waayaan in cidi ay dhiirigeliso,Maalgeliso ama ay ka faalo qaadan iyaga ayaa si iskood ah ugu dhiirada in ay u diyaar garoobaan kaqeyb-galka tartano waaweyn.

Wakhtiyo horre Waxbarashadda Xiisada ciyaaraha aad baa loo nooleyn Jirey,haddase Goobo badan oo waxbarasho ahmiyad ma siiyaan noocyada kala duwan ee ciyaaraha in ay ardeyda wakhti u siiyaan dheeraad ah inta ay waxbarashadda kale ku Jiraan.Meelo kalena Xiisada ciyaaraha nasasho iyo in Manhajka lagu ixtiraamo bixitaankeeda ayuunbey ka tahay ee horumarin ciyaareed oo qalbiga ah looma fasaxo ardeyda.

Waxyaabaha saameynta ku leh Qeybaha ciyaaraha ee Waxbarashada waxa ka mid ah in Manhajku aanu si dhammeystiran u tilmaameyn ahmiyada ciyaaraha ee ardeyda,Dalka oo si guud u danbeeya iyo Agabta iyo qalabka ciyaaraha kala duwan ama garoomada oo dugsiyada iyo jaamacaddaha aan u diyaar aheyn kana maqan.si Guudna Dugsiyada iyo jaamacadduhu wax ahmiyad ah uguma arkaan kaalinta iyo doorka ay ka qaadan karaan in ay dhiirigeliyaan ama soo saaraan ardey dhan kasta ka dhisan gaar ahaan horumarinta qeybaha ciyaaraha ardeygu waxbarashada dhexdeeda ku heli karo.

Si Guud Markaad dalka u eegto Dhab ahaantii wey kaga muuqaneysaa in ay si gaar ah ugu dedaaleen horumarinta ciyaaraha Dhalinteenu,tartano badan oo noocyo kala duwan ayaana gudaha dalka lagu qabta ilaa dalka laga diyaariyey kooxo loo diro wadamada jaarka ah si ay uga qeyb-galaan tartano caalami ah.Hibada Ciyaareed ee Dhalinteenu waa mid Jirta hase ahaate u baahan in kor loo sii qaado,Dal dadkiisu yihiin ku dhawaad ilaa 6 million in uu ka liito qeybaha ciyaaraha laga fiican.

Siyaasadu Wey Dishaa Ciyaaraha sidaasi oo kale qabyaalada,takoorka,eexda iyo Sharci daraduba wey tirtiraan aragtida wanaagsan ee ku jirta ciyaaraha.Dhanka kale Dhalinyar badan oo bahda ciyaaraha ahi, muddo marka ay ku dhex Jiraan ee ay arkaan in aan xiiso loo heynin horumarintooda ayey isaga dhex baxaan oo ay joojiyaan.Halka kuwo kale ay ugu socdalaan wadamo kale si ay tababaro ugu soo qaataan iyaga oo iyagu ismaalgelinaaya,taasi oo inoo soo saartey tiro kooban oo taariikhda iyo bahda ciyaaraha dalkaba u ah xidigo lagu faano laguna deydo.

Dhaqaalaha loo qoondeeyo looguna talo gala bahda ciyaaraha iyo ardeyda ciyaaraha u qaabilsan dugsiga iyo jaamacaddaba sannadkii ayaa dhinaca kale sannad kasta wax ku kordhin doona doorka horumarineed ee noocyada ciyaaraha dalka si Qalabka iyo agabka ciyaaraha oo aan ku filneyn una diyaarsaneyn jaamacaddaha iyo dugsiyo badanba gacan looga geysto.

Ugu danbeyn Waxaan u duceyneynaa Ardeydgii sannadkii hore ku dhintey ciyaaraha jaamacaddaha caasimada ka kala socdey,Waxaan u rajeyneynaa dhalintaasi in ay isdhex-gal,is-barasho iyo sumacad intaba ka helaan inta uu tartanku socdo,iyaga oo ilaaliyana akhlaaqda  iyo bad-qabkoodaba inta tartanku socdo.Fariinta tartanka ka danbeysa ee ah in kor loo qaado heerka ciyaareed ee ardeyda jaamacaddana waa in ay akhlaaqad ku wajahaan.Kubbadu waxa ay tahay mida 12 ka billood ee sannadkaba si isku mid ah loo xiiseeyo.

Abdifatah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com