Somaliland iyo Sweden oo ka Wadahadlay Xoojinta Xidhiidhka Labada Dal

Sidoo kale waxa laga wada-hadlaytaageerada Sweden ee mashaariicda horumarinta bulshada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Safiirka Dalka Sweden Ambassador Joachim Waern. Waxaana kulankaasi lagu gorfeeyay arrimo dhawr ah oo la xidhiidha cilaaqaadka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya.

Sidoo kale, waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Sweden, dhinaca kale, waxa lagu lafo-guray kulanka taageerada Dawladda Sweden ee mashaariicda dhinacyada horumarinta bulshada.

Kulankan labada dhinac, ayaa sidoo kale, waxa lagu gorfeeyey arrimaha doorashooyinka Somaliland ee kaabiga saaran, nabadgelyada iyo amniga mandaqadda Gobolka Geeska Afrika, waxaanay Jamhuuriyadda Somaliland u caddaysay safiirka in dalkan iyo dadkan ay ka goโ€™an tahay inay beesha Caalamka u muujiyaan waxa ay qaran ahaan ka mudan yihiin oo ah inay ka mid noqdaan dalalka la aqoonsan yahay, marba marka ka danbaysana ay buuxinayaan shuruudaha qarannimo.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com