Xukuumadda oo ka Hadashay Tallaabadii lagu Beegsaday Wasiirka W. Arimaha JSL

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaarada Dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha ayaa sheegay in falkii Burco ka dhacay ee lagu beegsaday wasiirka arrimaha gudaha inay ahayd tallaabo ka baxsan dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan ee Doorashooyinka, ahaydna xag-xagashadii lagu yaqaanay xisbiga Waddani.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uga meelyaala natiijada doorashooyinka dalka ka dhacaya eek ama danbeysta ah, waxaanu sheegay ka xisbi ahaan inay aqbalayaan.

Geesta kale waxa uu fariin u diray xisbiga WADDANI oo uu kula taliyay inay ka waantoobaan ololaha doorashada ka horeeya ee gobollada dalka ku soo marayaan, waxaanu fariin kama danbaysa u diray murashaxa xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo ku adkeeyay inuu yahay qofka wax ka go’aan xisbigana u sharaxan kuna booriyay inuu aqbalo natiijada doorashada ka soo baxda.

“Wasiirka arrimaha gudaha iyo hawlwadeenada xisbiga KULMIYE oo xafiisyo cusubna furayay kuwa kalena kormeer ku sameynayay dhacdadii kala kulantay waxay ahayd mid aad iyo aad u foolxun, nidaamka Dimuquraadiyadeed ee dalka ceeb ku ah, geedi socodka Dimuquraadiyada hagardaamo ku ah, anshaxumo ah, waxaan u dhaafaya guddida anshaxa ee guddida doorashooyinkii sidii ay uga jawaabeen.

Waxaan leeyahay ficilka foosha xun ee xisbiga WADDANI, isaga oo dhaqano hore ugu horseeday bulshada oo aad u qariban in maantana doorashadii carqadaasi ugu wanqalaan, wax la aqbali karo maaha, tallaabo ayaa laga qaadaya wixii nabadgelyada xumeynaya oo xukuumadda ayay taasi saaran tahay, wixii doorashada arbushayana guddida anshaxa ee Koomishanka doorashooyinka ayaa ku shaqo leh”

Geesta kale waxa uu talo u soo jeediyay xisbiga WADDANI waxaanu yidhi. “Dhab ahaantii ololihii walilama fasixin oo maalinta sabtiada ee toddobadka soo socda haddii ILLAAHEY yidhaahdo ugu horraysa oo loo fasaxan yahay Khayriyooyiinka iyo Fagaarayaasha, waa uun in doorashadana inay ku arbushaan, doorashada laga heli doonana inay u sii sameeyaan xag-xagashadii ay bilaabi lahaayeen hadhaw imika aynu arkeyno marka waxaanu kula talineyna in jadwalka guddida doorashada ay ixtiraamaan, kuna dhaqmaan, waxaan ku boorinaya inay u hogaansamaan dastuurka dalka”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay waxa uga meelyaala natiijada doorashooyinka dalka ka dhacaya eek ama danbeysta ah, waxaanu sheegay ka xisbi ahaan inay aqbalayaan. Waxaanu yidhi.“Haa natiijada doorashada waanu aqbaleyna, sababto ah KULMIYE hore ayuu u soo aqbaley natiijada doorashada, 2003-dii faro-guudkood ayaa lagaga helay, waanu aqbaley, maantana natiijadu haddii ku dhammaato in anaga nalaga helo aad iyo aad ayaanu u aqbaleynaa, haddii ku dhammaato in aanu anagu helo haddii ILLAAHEY yidhaahdo waaban helaynaaye in taasi tu lamid ah ay saaxiibadeyo sameeyaan, kana duwan tii 2017-kii ay sameeyeen, ee ilaa maanta todoba sano ay ku dhammeysteen, inay ciidamo buuro saaraan, jabhado abuuraan, nabadgelyadana khalkhalgeliyaan, waxaasi oo dhan loogama fadhiyo, haddii nalaga guuleysto waanu soo dhaweynayna, haddii aanu helana taasi tu la mid ah ayaa laga rabba, rafasho danbe oo Cabdiraxmaan laga aqbalaya ninka murashaxa ahi waa isage majirto.

Marka doorashadu khayr ayay ku dhammaan doonta, madaxda dalku waa raggi dalkan oo aan jirin keenay Somaliland-na looga baqi maayo, Somaliland ninka looga baqaya waaka wax ku noqday ee Qarannimadana ilaa maanta aqbalila”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com