Salaadiinta iyo Wax-garadka Gobalka Hawd oo Sheegay in ay Dhisayaan Madaxweynaha JSL Muuse Biixi

Qore Khadar M. Dhako

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi iyo Suldaan Yuusuf Xiis Nuur oo ka mid ah madax-dhaameedka reer Somaliland, gaar ahaana gobolka Hawd ayaa sheegay in ay doorashooyinka soo socda ku dhisayaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Urur Siyaasadeedka Horseed.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi ayaa waxa uu sheegay in aanay muuqan cid uga lexo jeclo badan dalka Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi, sidaas darteedna ay doorashooyinka isku sidkan ee la filayo in ay dalka ka dhacaan 13-ka November ee sannadan ay ku dhisayaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo urur siyaasadeedka Horseed.

Suldaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna wxa uu yidhi “Somaliland cadaw badan ayay leedahay, dad badan oo cadawa ayaa inagu wareegsan, markaa in aynu midowno danteena ayaa ku jirta, sidaa darteed waxaan leeyahay cunfiga ha laga daayo Siyaasada, waxaana ay ahayd in qabyaalada laga koro.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa aanu u aragnaa in uu yahay badbaadada dalka, Somaliland nin uga lexo jeclo badan ma aragno. Siyaasada Horseed waxa weeye in Madaxweyne Muuse Biixi iyo ku xigeen kiisa doortaan. salaadiinta galay Waddani go’aan Arab siiyay ma jiro oo Arab ku heshiiyay in aad ka tidhaahdaan Cabdilaahi Darawal ururkiisu ma jiro, waxa aan idin leeyahay Arab xaal ka siiya. waxaana aan leeyahay Caaqil Cabdiraxmaan Arab xaal ka sii hadalkii kaa soo yeedhay”.

Sidoo kale Suldaan Yuusuf Xiis Nuur ayaa waxa uu tilmaamay in ay dooranayaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Urur Siyaasadeedka Horseed. Waxaana uu yidhi “Waxa aanu dooranaynaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, meel Arab ku heshiiyay in uu Waddani dhiso habayaraatee ma jirto, meel shirweyne Arab iskugu yimid oo guddi lagu doortay ma jirto. waxaana aanu taageersanahay Urur Siyaasadeedka Horseed ee Cabdilaahi Darawal guddoomiyaha ka yahay”.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com