Mudaneyaal ka tirsan Golaha Guurtida oo Gobolka Sanaag u Tagey Wacyigelin la Xidhiidha Arrimaha Doorashooyinka

Qore: Cabdiwahab Daahir

Xildhibaano ka socda Golaha Guurtida Somaliland oo qaabilsan wacyi-gelinta gobolka Sanaag ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Gar’adag iyo guddoomiyayaasha xisbiyada iyo ururada degmada Gar’adag, sidoo kalana ka hadlay adkaynta nabadgelyada ee Qabsoomidda Doorashada ee dhawaan ka dhicidoonta Somaliland.

Xildhibaanada ayaa la-hadlay Cuqaasha, Waxgaradka, golaha deegaanka Gar’adag iyo taliyaha ciidanka booliska degmada Gar’adag iyo sidoo kale maamulka degmada Gar’adag waxanay sheegeen in reer Gar’adag looga baahan yahay in ay ilaashadaan nabadgelyada maadama ay dhawaan dhamaan dalka ay ka bilaabmi doonaan ololaha xisbiyada iyo ururadu, sidoo kalena waxay carabka ku adkeeyeen in ururada iyo xisbiyada looga baahan yahay in ay dhawraan xeerarka iyo qawaaniinta u yaal dalka. Isla markaana waxa ay bulshada reer Gar’adag ku booriyeen in kaliya shacabka xaq loogu leeyahay in qof walba cida uu doono u codeeyaan.

Geesta kale Kulankan ayaa ula jeedada guud ay daaranayd adkaynta nabadgalyada, waxay xidhlibaanada, maamulka, cuqaasha iyo taliyaha ciidanka booliiska Gar’adag ba ay isla qaateen in amniga looga dambeeyo culimada, cuqaasha iyo ciidamada nabadgalyada ee kala duwan.

Gabagabadii xildhibaanada ka socday golaha guurtida, goalaha deegaanka degmada Gar’adag, maamulka, cuqaasha iyo taliyaha Gar’adag ayaa balan qaaday in ay ilaashanayaan nabadgelyada, isla markaana aanay jirin cid ay u ogolaanayaam in ay abniga khalkhal galiso cidii isku dayda inay amniga wax yeelaysana ay sharciga la tiigsan doonaan.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bamdhige@gmail.com