Wasaarada Maaliyadda oo Kastam Cusub ka Hirgelisay Deegaanka Ceel-daraad ee Gobolka Saaxil

Qore: Cabdiwahab Daahir

Wasaarada horumarinta Maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kastam cusub ka furatay degaanka Ceel-daraad ee xeebaha bari ee gobolka Saaxil, waxaanu degaanka Ceel-daraad magaalada Berbera dhanka bari ka xiga 100-km.

Wafti ka socda kastamka Barbera, saraakiil ka socda ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland iyo masuuliyiin ka socday wasaaradda Horumarinta Kaluumaysiga ayaa socdaal ku tagay deegaankaasi Ceel-daraad, iyaga oo sirasmiya u daahfuray Kastamka cusub ee laga hirgeliyay degaankaasi.

Geesta kale, maamulaha laanta hubinta kastamka Barbera Maxamed Ismaaciil iyo maamulaha guud ee Kastamka Barbera Axmed Cabdiraxmaan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xafiiskan cusub ee kastamku ka furtay deegaanka Ceel-daraad, waxaaney sheegeen in uu dabooli doono baahidii loo qabay adeeg-bixintii Kastamka, ee dhanka cashuur ururinta dakhliga, waxaaney xuseen inay la shaqayn doonaan xafiiskan wasaarada Horumarinta Kaluumaysiga iyo kaluumaysatada kala duwan ee ka shaqaysta deegankan.

Maamulaha guud ee kastamka Barbera ayaa sheegay in guud ahaan wixii adeeg xafiis looga baahna ay u dhammeystiran yihiin Kastamkani.

Waxaanu yidhi. .”Imika ka hor shaqo way kasocotay halkani, laakiin si toosa xafiis ugama furnayn, dhamaan wasaarada Horumarinta Maaliyadu wixii edeegyo u baahnayd lagama helayn, laga bilaabo shalay kastamka Ceel-daraad wuu furan yahay, isagoo ay u dhamaystiran yihiin wixi uu u baahnaa xafiisku sida xafiiskii, shaqaalihii iyo isgaadhsiintii.”

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com