Boorama oo Laga Daah-furay Wejigii ugu Danbeeyay ee Dadkii soo Xeraysatay Fikradaha Hal-abuurka Ganacsi

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Agaasimaha sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland iyo maayarka magaaladda Boorama ayaa shalay daah-furay wareegii u danbeeyay ee lagu soo xidhayay dhalinyaradii soo xeraysatay fikradaha hal-abuurka ganacsi oo uu maalgelinayay sanduuqa dhalinyarada Somaliland.

Waxaanay codsadeyaashani ka yimaadeen gobolka Awdal. Wareegani ayay u jeedadiisu tahay in la shaaciyo guulaysteyaasha barnaamijkaasi, lana gudoonsiiyo maalgelintii ay mutaysteen.

Kuwaasoo fikradaha iyo hal-abuurka ganacsi ee ay la yimaadeen la filayo inuu keeno korodh ku yimaada ganacsiga iyo shaqo abuurka magaaladda Boorama.

Waxaana madashii shaacinta mashruucaasi goob joog ka ahaa maayarka Boorama, madax ka socotay sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland, masuuliyiin ka socday ururka dhalinayrada Somaliland ee SONYO, xubno ka mid ah golaha deegaanka Boorama, iyo masuuliyiin kale.

Maayarka magaaladda Boorama, Mustafe Faarax Qabiile, oo daah-furka mashruucaasi hadal ka jeediyay ayaa u mahad naqay cid kastoo ak qayb qaadatay barnaamijkaasi, gaar ahaana sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland.

Sidoo kale maayarka Boorama ayaa kula dar-daarmay dhalinyarada la yimid hal-abuurka ganacsi ee guulaystay in ay ku dedaal sidii ay ganacsiyadoodu u horumarin lahaayeen, halka uu kuwa aan guulaysana ku dhiiri geliyay in aanay niyad jabin, balse ay ogaadaan in ay ka faa’iideen khibrad.

Mustafe Faarax Qabiile, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waan bogaadinayaa dhalinyarada la yimid hal-abuurka ganacsi. Idinkana waxaan idin kula dar-daarmayaa uun in aad sii wadaan fikradihiina aad maskaxdiina ka curiseen, intii ku guulaysataana waa in ay si qiimo badan uga faa’iideeyaan. Intiina aan jaaniska helina waxaad ogaataan in aad khibrad ka faa’iidaysaan, waxaanad hesheen aqoon aad wax ku tijaabisaan.

Sanduuqa dhalinyarada Somaliland iyo ururka SONYO-na waxaan leeyahay hawl fiican ayaad qabateen, anaguna waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu idin garab joogsano. Mustaqabkana waxaan u rejaynayaa agaasimaha iyo sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland inuu noqdo mid anfaca dhalinyarada Somaliland oo dhan, oo ay ka faa’iidaan”.

Khaddar Ibraahim Maxamed, agaasimaha sanduuqa horumarinta dhalinyarada Somaliland oo isna halkaa ka hadlay ayaa sharaxay dariiqooyinkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucani, kaasoo uu sheegay in bilawgii ay soo codsadeen dad gaadhayay ilaa kun qof.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com