๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ผ๐—ผ ๐—ก๐—ถ๐—ป ๐—”๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฏ ๐—ฎ๐—ต ๐—ธ๐˜‚ ๐˜…๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ๐˜† 9 ๐˜€๐—ฎ๐—ป๐—ผ.

Dowladda Somaliland, ayaa nin ka tirsan kooxda Al shabaab ku xukuntay 9 sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay Facebookga wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

Waxaaanu u dhigna sidan “Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/06/2023-ka maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamadda jsl goboladda galbeed Waxay xukun 9 (sagaal sano ah) ah, Xabsi milateri ku riday danbiile Al-shabaab Faysal Cali Ibraahin, ina Aamina Aaden 42 jir ah.

Ninkan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab una qaabilsanaa in xubno Al-shabaab ah ka diyaariyo gudaha Somaliland.

Xukunkan ayay maanta maxkamadu kaga dhawaaqday fadhiga maxkamada ee xarunteeda guud Hargaysa”

Xigasho:wargeeska dawan

Bandhige@gmail.com