DAAH-FURKA BARNAAMIJKA DARDARGELLINTA TALLAALKA CARUURTA SHANTA SANO KA YAR EE AAN HORE U QAADAN

Barnaamijka caafimaadka Wargeyska Dawan todobaadkan xubinteena koowaad waxa aynu ku soo qaadanaynaa, daah-furka barnaamijka dardargelinta Tallaalka Caruurta shanta sano ka yay ee aan hore u qaadan tallaalka oo Hargaysa laga daah0furay.

Barnaamijka ayaa ujeedooyinkiisa ugu waawayn waxa ka mid ahaa in bulshada iyo Hooyooyinka lagu wacyigaliyo mihiimada uu Tallaalku u leeyahay Caruurta yar yar iyo in Tallaalka la gaadhsiiyo goobaha laga Tallaalo Caruurta.

Haddaba Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa maanta soo qabanqaabisay, daah-furka Barnaamijka dardargellinta tallaalka caruurta shanta shano ka yar ee aan hore loo tallaalin ama aan dhamaystiran tallaalka.

Munaasibad balaadhan oo lagu daahfurayay Barnaamijkan oo lagu qabtay magaalada Hargaysa, ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta Qaranka, Horumarinta Maaliyadda, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Maroodi-Jeex,Masuuliyiin ka socotay Waaxaha iyo qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, madax ka socota hay,addaha WHO, UNICEF iyo hay,addo kale ee caalamiga ah ee Wasaaradda ay wada shaqaynta leeyihiin, Shaqaalaha samaynaya wacyigellinta iyo talaalka mudan iyo marti sharaf kale.

Wasiiradda iyo masuuliyiintii kale ee madasha ka hadalay ayaa dhammaantood ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in bulshada lagu wacyigeliyo muhiimada tallaalka iyo in waalidiintu talaalaan caruurtooda, sidoo kalana talaalka la gaadhsiiyo dhammaan caruurteena aan hore u qaadan tallaalka ama aan dhamaystiran.

Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan, oo si rasmi ah u daah-furay barnaamijkan ayaa dhankiisa xoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in tallaalka la wada gaadhsiiyo caruurteena aan qaadan talaalka ama aan dhamaystiran ee ka yar shanta sano, isagoo Bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan waalidiinta kula dardaarmay in ay tallaalaan caruurtooda lana shaqeeyaan shaqaalaha fulinaya ololahan Tallaalka oo ugu iman doona guryahooda iyo goobaha ay joogaan.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com