- Haddii sharka aad shar ugu jawaabto, goormu sharku dhamaanayaa?
- Maalka iyo maamulka ma bedelaan qofka, laakiin waxay muujiyaann shakhsiyadiisa dhabta ahโ.
- Dadka oo dhan wanaag ma wada gaadhsiin kartid, laakiin dadka oo dhaan waad ka dayn kartaa dhibtaadaโ.
- Dulqaadka iyo cafiska ayaa dhameeya sharkaโ.
- Waxa ugu qurux badan dunida waa inaad ogaato qiimaha naftaadaโ
- Marka xaqu ka aamuso baadilka, kuwa baadilka wada aya u qaata inay xaq yihiinโ
- Caqliga iyo carabka waxa ka dhexeeya xidhiidh isku cakis ah, mar kasta oo caqligu yaraado, carabka qofkuna wuu dheeraada (Wax kasta iskaga hadlaa oo sheegaa).
- Saacadu waxay leedahay gacan haddana waxba kuma qabato, miiskuna wuxu leeyahay lugo haddana kuma socdo sidaasi ayay u jiraan kuwo leh Maskax laakiin aan ku fikirin.
Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com