15 jirkii nolosheeda soo gebo gebeysay: Cashar ku socda dhamaan waalidka (WT: Maxamed Shucayb Yuusuf)

Waa Xusuusqorka 15 jirkii nolosheeda soo gebo gebeysay.

Cashar ku socda dhamaan waalidka.

Gacaliso hooyo,

Waa mid ku culus qalbigain aan kuu qoro qoraalkan, aniga oo og xanuunka uu kugu ridi doono.

Hooyo, waxaan kaa rabaa inaad ogaato inaan aad kuu jeclahay adiga, waligayna waan ku jeclaan doonaa. Haddii la i siiyo fursad aan dib ugu noolaado wali waxaan ku xulan doonaa inaad hooyaday macaan tahay, qoyskayagana aad ku leedahay booska ugu mudan.

Laakiin nasiib xumo, waan ogahay in aanay jirin fursad noocan oo kale ah.

Hooyo, ma aanan dooneynin inaan sidan sameeyo, laakiin waxaa igu qasbay duruufaha qalafsan ee sarre iyo hoos ugu xeeran noloshayda.

Waxaan isku dayay intii karaankeyga ah inaan ka gudbo, marxaladahan adag laakiin kuma guuleysan. 13 bilood ee ugu dambeeyey, waxaan dedaal ugu jirrey inaan noloshayda dib u soo dabaalo, dagaalna la galo dhibka i haysta, nasiib xume se awoodii iyo xoogaygiiba wuu ku idlaadey mana aanan ku guuleysan.

Adiga iyo aabo waad garan kari weydeen dhibta iyo duruufaha adag ee aan soo marey, kuwo i haysta maanta iyo kuwii aan soo moodey labadaba, marna se idinku canaanan maayo inaydun i fahmi weydeen.

Qofka keliya ee iigu dareen dhawaa inuu i fahmo qoyskeenu, wuxuu ahaa halyeyga ila dhashay ee walaalkay, da’diida oo yar daradeed aad bay uga weyneyd maskaxdiisu inay fahanto ama akhrisato dhibta i haysata, wuxuu se ahaa garab aan la ilaawi karin.

Hooyo, waan ogahay in adiga iyo aabahay aad i jeceshihiin oo aad ii sameyseen wax kasta oo awoodiina ah oo aan jeclaa, si aad ii tustaan dareenka jaceyl ee aad ii haysan, aniga se waxaasi marna igumay beerin in la i jacel yahay.

Waxaad i siiseen wax ka badan intii aan doonayay, waxaad igeyseen oo dalxiis iigu saarteen meelo aan inta badan asxaabteydu aanay xitaa maqal ama arag. Wax kastoo wanaaga oo aad i tusteen haddana iimay buuxin booskii aan u baahnaa, waxaan u baahdey qof i fahma, qof i jecel, qof ii buuxiya waxaan dareemaya iguna haga yoolka nolosheyda.

Waxaa aad ii samayseen ee dalxiis iyo hadyadba lahaa, keliya noloshayda waxay ka ahayeen (material) iyo maararow aan waxba igu soo kordhin, marnana aan i siin wixii aan tabayay. Wax badan oo aynu wada qosolnay waxa imi caweyskii u dambeeyey ee dhabar jabiyey noloshayda.

Walaalka, abti Tony oo ku soo biirey qoyskeenu, wuxuu isaga kay dhigay mid fahmaya noloshayda, mid garanaya waxay noloshaydu jeceshahay ama dooneyso. Wuxuu doonay inuu ila joogo oo uu ii buuxoyo booskii adiga iyo aabo, ee aan tabayay inaad iga mashquusheen.

Wuxuu isku dayay inuu i siiyo kalsooni, si aan ugu xasilo dareenkayga iyo sirtaydana ula wadaago, xaqiiqdii waan ku dagmay, waanan ku nacasoobay inaan ka ag dhawaado, wuxuu ka faa’idaystay nacasnimadaydii waxaanu igu sameeyey waxaanan ka fileyn.

Hooyo, walaalkaa wuu i kufsaday wuxuuna ii adeegsaday sidii caruusada caruurtu ku ciyaarto oo kale (toy) seddex sano xidhiidh ah buu walaalka i isticmaalayay. Waxaan inuun filayay ama naawilayay in adiaga ama aabo aad inuun wax dareentaan, lakiin se iska daa dareene xitaa marna shaki idin ma gelin.

Maalintii uu abto Tony gurigeena ka huleeleyl aad baan u xanaaqay waayo waxaan tabayay cid ii buuxisa ficiladii wasakhda ahaa ee aan saddexdii sanee u dambeeyey ku korey. Kamaan caban kari waayin lakiin se waxaan ka werweriyey haddii aan soo cawdo cida ii daboolaysa baahida wasakhda ah ee uu igu beerey.Waxaan filayay in adiga ama aabahaa aad wax aragtaan laakiin idinka mid ahina ma ogaan.

Lakiin se markii uu ugu dambayntii u huleeley dalka Canada waxa igu soo baxay faqriga aan u hayo xumaanto uu igaga tagay. Waxaan ku dhibtoodey inaan iska daayo foolxumooyinkaa iyo ficilkan xun lakiinse waan awoodi waayay. Derejooyinkaygii iskuulka ayaa hoos u dhacay, adiga iyo aabana si dhaksho ah waxaad iigu qabateen macalin guri. Wuxuu xaal ahaado ama dareenkayga aan xakameeyaba, waxaan dib u xasuustey laacdankii iyo lugooyadii abti Tony, wuxuu uu i barey ee uu igu baawirey baan ka deyey macalinka, waxaanan arkay aniga oo ku dhegdehagaya oo qabqansanaya.

Waxaan isku dayay inaan ka dalbado inuu ii buuxiyo booskii xumaa, hooyo waxaan sidan u yeeley ee aan u hungureeyey macalinka miyaad garanaysaa, hooyo waan cidloobay, waxaanan u baahdey wehel. Weligaa ma qiyaastay waxaan ka dhex qabanayey qolkayga waqtiga aan keligay joogo? Miyaad kari weyday inaad hal mar ka soo baxdo qolkaaga oo aad iga soo war doonto wakhtina ila qaadato ayu ku wada hadalno iskuna wareysano?

Waxaa jira waxyaabo badan oo aan jeclaan lahaa inaan kuu sheego laakiin ma doonayo inaan xanuun kaaga kaga, Markaa ila aasa waxaa aan qarsanayo aan la god galee.

Fadlan hubi in walaalkey David aanu gaadhin meesha aan hada joogo iyo xaalka aan ku suganahay, fadlan ka war doon.

Sidookale, u sheeg asxaabtaada iyo asxaabtaada leh caruuruhu inay ogaadaan waxa ku dhacaya caruurtooda ay jecel yihiin ka hor iintaanu soo daahin.

Waxyaabo badan oo waalidku ku sameeyaan magaca muujinta jacaylka ay awlaadooda u hayaan, ma aha wax aanu u baahanahay hadaanu nahay da’ yartii.

Laakiin hal shey oo dhiirrigelin ah ayaa ah in David uu wali kula joogo. Ku wareeji jacaylka aad ii qabtay isaga.

Faahfaahinteyda bangiga iyo furayaasha sirta ah ee taleefankayga iyo laptops-kayga dhammaantood waxay ku yaalliin warqadan aan qorey.

Waan kuu xiisi doona waan ogahay inaad xanuun badan dareemi doonto markaad dhalada sunta ku aragto gacantayda, laakiin waxaa igu khasbay inaan sidaas sameeyo waa qalbigayga holcaya ee u eeg mid aan boos ku lahayn dunida.
U sheeg aabbahay iyo walaalkay David inaan jeclahay. U sheeg wadaadkeena inaan seegi doono khudbadiisa iyo ducadiisaba. U sheeg asxaabtayda inaysan dareemin cidlo oo aanay ii murugoon..

Nabad galyo hooyo. ”

Waxaan sheekadan u turjumay si ay cashar ugu noqoto in badan.