Soomaalinimadda saxda ah (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Waxa dhismaheedu socdaa dib u cusboonaysiinta wadada isku xidha Berbera-Hargaysa iyo Jigjiga , wadadaas oo gacanta laggu hayo , dhinaca kale waxaa dhawaan la dhisayaa wadada isku xidhi doonta Magaalooyinka Djabouti-Boorame iyo Jigjiga.

Sidaa markay tahay , waxaa isku xidhmaya Magaalooyinka Diridhabe , Jigjiga ,Boorama , Hargaysa ilaa Ceergaabo oo dhawaan iyana wadada kusoo xidhaysa magaalooyinkani dhamaanayso.

Hadaba Soomaalinimada saxda ihi waxay tahay in la fududeeyo isu gudubka , isla ganacsiga , is-dhexgalka Soomaalida Jigjiga , Hargaysa iyo Djibouti.

Sidaa kale , Soomaalinimada saxda ihi waxay tahay in Soomaalida Mogdisho Baydhaba iyo Baladwaynana ka fikiraan siday isugu xidhmi lahaayeen , inta anaay ka fikirin siday ugu xidhmi lahaayeen Soomaalida kale.

Soomaalida 60 kii sanadod ee lasoo dhaafay waxay kaga lumeen raadinta sooomaalinimo siyaasadeed , waxaanay dayaceen isku xidhka iyo kobcinta Soomaalinimada dabiiciga ah.

Sidaa markay tahay , dantu maanta waxay ku jirtaa in Soomaali waliba danteeda ka fikirto , soomaalida kale la shaqaysato , si aan lixdanka sanadood ee soo socdaa inoogaga lumin Soomaalinimo aan suurta gal ahayn.