3-Arrimood oo Madaxweyne Muuse Biixi ku celceliyo: waa saddex muhiim ku ah Taariikhda Soomaalida (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

3-Arrimood oo Madaxweyne Muuse Biixi ku celceliyo, waa saddex muhiim ku ah, Taariikhda Soomaalida.

 

1. Dagaalkii 1977kii iyo kii 1964kii waxa culayskiisu ku dhacay Somaalilaan. Dhaqaale ahaan oo dadka reer Somaalilaan ay mood iyo noolba galiyeen, iyo culays ahaan oo qaxoontigii Soomaali Galbeed, Somaliland yimaaddaan. 5-xero ayaa Qaxoontiga looga sameeyey Soomaaliya, 4kamida waxay ku yaalleen Soomaalilaan. Tani waxay caddaynaysaa in culays aan Soomaalida ku dhicin meel joogtaba, uu Soomaalilaan gaar u ahaa.

 

2. Inaynu midawnay innagoo Soomaali ah, ka la taariikh ah, ka la gumaysi ah, ka la nidaam ah, ka ka la halgan ah, ka la qaddiyad ah, waayo qaddiyaddii Hargeysa waxay ahayd Soomaali Weyn laakiin Muqdisho aragtidaasi ma oollin. Marka aad intaas qirtaan ayeynu wada hadlaynaa waa hadal gar ah.

 

3. Ka la go’ mooyee waxa kale kama wada hadlayno, iyana waa mid run ah oo sax ah. Waayo wixii loo dhintay muu ahayn Raysalwasaare, Madaxweyne, iyo Caasimad, waxay ku sheekeeyaan fadhi ku dirirku.