7 Qalad oo ay ragu sameeyaan ayaa dhaawaca caafimaadkooda Q.2aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

BAADHISTA CAAFIMAAD OO AANAY JOOGTO KA DHIGAN

Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday in dumarku ay ragga kaga badan yihiin u tegista dhakhtarka guud iyo joogtaynta booqashada dhakhaatiirta takhasuska ilkaha. Taas oo caawisa in caafimaadka ilkaha iyo cirridka lala socdo iyo in afkooda laga ogaado xaalado badan oo caafimaad oo calaamadahooda laga arko afka.

In dhakhtarka ilkaha joogto loogu tagaa malaha faa’ido ah la socoshada caafimaadka ilkaha oo keliya, balse waxa kale oo ay si weyn u caawisaa in goor hore la ogaado xanuunnada calaamadahooda laga garan karo ilkaha iyo afka gudihiisa; waxaa ka mid ah macaanka oo ilkaha dhaawaca, xanuunnada midhicirada, caabuqa uur ku jirta iyo xitaa kansarka dhiigga oo calaamadahooda laga arko cirridka iyo afka gudihiisa.

WAXA AY AAD U CUNAAN HILIBKA

Raggu aad uguma dadaalaan cunista khudrad ku filan. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in cunista khudradda ee maalinlaha ahi ay u fiican tahay caafmaadka wadnaha. Sida oo kale in hilibka iyo baradhada shiilan la iska yareeyaa, waxa ay u fiican tahay ka hortagga xanuunnada maskaxda ku dhaca, kansarka iyo dhibaatooyinka kale ee ku dhaca habdhiska dheefshiidka. Khudradda oo jidhka ku. Yaraataa waxa ay sababtaa in sonkorta dhiiggu ay badato.

Sahamin marar kala duwan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in ragga ay ku yartahay isticmaalka cuntooyunka khudradda leh, halka ay ku badan tahay cuntada hilibka ah iyo baradhada shiilani.

CAADOOYIN CAAFIMAADKA U DARAN

Ragga waxaa ku badan caadooyinka caafimaadka u daran oo ay ka mid yihiin, sigaar nuugista, gaadiidka oo xawaare aad u sarreeya lagu wado iyo jimicsiyada ama ciyaaraha khatarta ah. Caadooyinkani dhammaantood waxa ay khatar ku yihiin caafimaadka, ama waxa ay horseedaan geeri.

Waxa ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay muhiim tahay in ninku uu ka fikiro khatarta caafimaad ee ka dhalan karta ficillada iyo habdhaqannada ay caadaysteen. Si ay u uga hortagaan khatartaha caafimaad-darro ee ku iman kara, una hubiyaan badqabkooda jidheed.

Dhammaad.