Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL oo soo afmeernay dacwada hooyo ayaan cabdiraxmaan maxamed oo nadiifiso ka ahayd Supermarket ku yaalla Hargeysa

Waajibaadka Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland waxaa kamida ah hagida Arrimaha shaqaalaha rayidka ah iyo loo shaqeeyahaba sida ku cad dastuurka jamhuuriyada Soomaliland qodobkiisa 20aad xeerka kala xadaynta xukuumada iyo haayadaha madaxa banaan ee xeer LR-71 2015

iyo xeer nidaamiyahiisa dhismaha wasaaradaha iyo haayadaha xukuumada Xeer nidaamiye LR -01/2018 iyo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee xeer LR-31/2004.
iyadoo aanu ka wasaarad ahaan waajibaadka gudanayno waxaanu si cad uga shaqaynay hir gelinta waajibaadkaas shaqo ee shuruucda aynu kor ku xusnay u xilsaartay wasaarad.

Waxaananu maanta soo afmeernay dacwada u dhaxaysay hooyo ayaan cabdiraxmaan maxamed oo bulsha waynta jamhuuriyada Soomaliland dacwadeeda siyaabo kala duwan u gaadhay bulshaduna ay ka dareen celisay waxaana lagama maarmaan noqotay in arinta dacwadaasi ay wasaaradu baahiso si bulshadu ugu qanacdo.

Sidaa darteed wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska jamhuuriyada Soomaliland oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo waxay maanta oo ay taariikhdu tahay 17/12/2019 soo afmeertay dacwadaas kor ku xusan iyada oo loo shaqeeyihi bixiyay dhamaanba xuquuqihi shaqo ee u waajibay muwaadinad ayaan cabdiraxmaan maxamed oo faahfaahintooda aad ka dheehan kartaan lifaaqan hoose.
ALLA MAHADLEH

Image may contain: text