Aniga iyo Mujaahid Xasan Guure (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Xasan Guure muddo aan badnayn ayaanu barqadii bunka ku wada cabbi jirnay hudheelka Fish and Steak. Shakhsiyan nin xaddaariya, sarraaxiya oo xaruuriya ayuu ahaa. Aniga aabbahay saaxiibkii buu ahaa.

 

Waxa aan xusuustaa maalin annaga oo badan lagu yidhi Xasanoow xukumadihii Somaliland isaga dambeeyey mucaarad baad ku ahayd. Adiga oo badhkood dhismahooda gacan weyn ku lahaa ee maxaad doonaysaa horta? Maalmihii ay madaxweyne Muuse kala guranayeen bay ahayd.

 

Xasan inta uu aniga ii soo eegay ayuu igu idhi, abti Cabdirisaaqoow ย ma maqashay Che Guavera? Haa baan ugu jawaabay. Che iyo Fidel Castro ma isku akhriday ayuu haddana ii waydiiyey. Intii aanan u jawaabin ayuu warqaddii Che Guavera u qoray madaxweyne Castro nooga sheekeeyey.

 

Hadalkiisa wuxuu noogu soo gunaanaday, “Aniga haddaba abti hebello iima muuqdaan ee wixii aan u soo dagaalamay ayaan doonayaa in aan gaadho. Anigu reernimo waan ka koray, adduunyo cimri baan ka joogaa waxa aan doonayaa in aad gaadhaan qayrkiin”

 

Xasan Guure Jaamac siyaasi wacygiisu sarreeyo oo wuxuu doonayo garanaya ayuu ahaa.

 

Xasan geeridiisu waxa ay mugdi ku tahay qof kasta oo gobannimadu waxa ay tahay garanaya. Wuxuu la god galay taariikh mugweyn oo la dayacay in laga reebo. Ilaahay ha janneeyo oo dambigiisa ha dhaafo.