Dalka hubkiisa samaysan waaya, tan oo kale ayaa ku dhacda (Wq: Bintu Saciid)

Marka uu sanadku ahaa 2004 ayaa dalka Malaysia ka iibsatay Maraykanka 8 diyaaradood oo ah nooca loo yaqaan F18 oo ugu casrisanaa waqtigaas, qiimaha lagu kala iibsaday ayaa ahaa wax ka badan 640 milyan oo dolar.

Markii ay diyaaradihii soo gaadheen Malaysia ayaa loo xil saaray koox Malaysian ah oo khuburo iyo injineero iskugu jira, waxayna ogaadeen in diyaaradani farriimo ay u dirayso qaacidada ciidanka Maraykanka ee la yidhaa Noranhari oo ku taalla jasiirada Hawam sida, kicitaanka diyaarada, xawaaraha ay ku socoto, meesha ay joogto iyo bartimaamyada lagu socdo iyo wada hadallada u dhaxeeya pilotka iyo qolka operation ka ee dhulka.

Intaa kaliya maahee waxay ogaadeen in ay dukumi karaan qalabka ka shaqeesiinta diyaaradda, iswadida diyaarada ee lo yaqaan auto piolotka, sidoo kale in hal badhan oo uu taabto sarkaal Maraykan ahi in uu soo ridi karo diyaaradda, jeedin karo meeshay u socotay ama uu fadhiisin karaba.

Markii ay Malaysia ay isku dayday in ay wax ka badasho programka diyaarada waxa si ka fal celiyay Maraykanka iyo shirkaddii samaysay diyaaradaha waxayna ugu hanjabeen in aan laga iibin doonin wax spare part ah ay diyaaradu u baahato iyo in laga xanibi doono hubka cirka. Sido kale markii ay ay ka codsaden in ay siiyaan password-yada ka shaqaynta qaybaha kale ee diyaarada waxa ka diiday shirkadda McDonnell Douglas.

Ugu danbaynti Malaysia waxay ogaatay in ay iibsatay diyaarado dagaal oon ku shaqeeneen arrimo ciidan dagaalna lagu gali karin ogolaanshaha Maraykanka la’aantii. Wanaagsanaan lahaydaa in ay Malaysiya iyo waddamada la midka ahi isku tashan lahaayeen oo ay samaysan lahaayeen tiknoolojiyadda ay u baahan yihiin.

Xigasho: Raysal wasaaraha Mahitar mar uu la kulmay warbaahinta ALJASIRA iyo Barta faysbooka ALNAKHLAH