Waan aflagaadeeyey, haddana waan ammaanay, kadibna waan hantiyey (Wq: Bintu Saciid)

Waxay tidhi: Waxa kuliyadda caafimaadka nala dhigan jiray wiil dhallinyaro ah oo qurux badan oo so jiidasho leh. Magaranayo si aan uga helay wiilkaas mana helin meel habboon oo aan u maro ama aan kala xidhiidho. Laakin muddo kadib sidii aan u daba socday oon u baadhayay waxan so ogaaday in ninkan ay saaxiibo dhaw yihiin saaxiibadday walaalkeed. Kadib saaxiibaday ayaan waydiistay in ay isiiso hesho numberkiisa iyo melaha lagala xidhiidho.

Kadib markii aan so helay waxan samaystay ciwaan cusub oo magac nin ah waanan codsaday ciwankiisi waxaanan ku casuumay page-yaal aan ku jiray. Muddo kadib waxan ku soo post-gareeyey boggagii aan ku so casuumay anoo isticmaalaya ciwaankii beenta ahaa ciwankiisi iyo numberkiisi anoo leh ninkani waa nin xun oo dhaqan xun ha la iska ilaaliyo hablaha ayuu caakisa. Waxan idhi fadlan ha la waco hanala caayo oo dadka halaga qabto.

Saacado kadib waxaan ka soo galay ciwaankaygii saxda ahaa oo waan difaacay una hiiliyay, waxaanan idhi waa dhaqan xumo in number aydaan garanayn aad soo caydaan ama la xidhiidhaan ee ha laga xishoodo umadda. Inankii waa ii soo mahad celiyay wuxuuna iga codsaday in aan is barano. Wuxu soo ogaaday in aan isku magaalo degan nahay isku kuliyadna aan wax ka wada barano.

Wakhtigan xaadirka ah ninkii wan is qabnaa alxamdulilah kkkkkk.

Xigasho: Hawas al qiraa’a ‘Bibliomania