Dhacdadii Shabeelka iyo Aw Ibraahim Tukaale: 1912 kii Q.3aad (WQ: Khadar Jaambiir Egeh)

Sida inoo cad imika Aw-Ibraahim Tukaale waxa uu isaga oo hubkiisii u dhan yahay garab kuududaa goobtii uu shabeelku qoorta kaga jabiyey ninka. Ninkana qoortoo qudha muu kala jibine waxa uu shabeelku cunihiisii laba qaaybood uugu kala gooyey miciyohiisa halista ahaa oo bushinada shabeelka waxaa ka tiflaaynaya dhiigii ninkaasi uu diley oo imika aay naftu sii dhibaayso hiiraag iyo jibaad badanina uu ka baxaayo.

Shabeelku waxa uu soo eegayaa dhinicii uu ka xigey Aw-Ibrahim, weliba waxa uu isku darayaa cod cadho iyo goroyo khaakhayn badani aay ka muuqato oo horaa loo yidhi cid Shabeelka ka dabeecad xuni dunida ma jirto.

Markii intaasi dhacday ee uu Shabeelkii goroyo khaahlayn badan iyo baqasho gelin ba uu iskugu darey Aw-Ibraahim ayaa in waxoogaaya markuu ninkii uu diley dul joogey uu shabeelkii xaga kaaynta iskaga dhaqaaqay. Hadaba su,aashu waxa aay tahay Aw-Ibraahim isna markuu arkey in uu Shabeelkii iska tagey oo xaga kaaynta u sii dhaqaayey miyuu socodkiisii sii watey oo goobtii miyuu iskaga dhaqaaqay si uu galab carolwgiisii uugu guryo hooydo intaan gabalku meeshan uugu dumin?

Maya laba amuuroodba Aw-Ibrahim waa aay ku dhaliyeen in uu hakiyo safarkiisa uu ku sii guryo hoyanlahaa intaanu gabalku uugu dhicin goobtan bahalo galeenka ah ee aay sunsumayaan dugaaga dilaaga ahi kuwooga uugu darani. Lababada amuurood ee hakiyey Aw-Ibraahim in uu goobtan iskaga huleelo intaanu masiibo kale kala kulmin ayaa aay ahaayeen labadaasi amuurood midi waa ta uugu horaaysii in uu meesha ka qaado ninkan shabeelku diley ee aay naftu sii dhibaayso si meeydkiisa loogu aaso degmadii ninku ka dhashay oo aan waxbaba ka sii fogaayn degmada aw-ibraahim Tukaale aay raaskiisu deganaayeen.

Amuurta labaadna waxa aay ahaayd qoriga Maadhiinka ah ee ninku sitey kaas oo dhulk kaga dhacay ninka markii aay shabeelka isgaleen oo yaala goob aan ka dheerayn meeshii aay isla rafanayeen shabeelkii iyo ninkii goobta isku haleelay ayaa qorigaasi Maadhiinka ah uu hunguri ka galay Aw-Ibraahim in uu isagu mulkigiisa yeesho qorigan mar haddii uu ninkii lahaa aanu dib dambe u calafsan doonin.

Somaalidu waxa aay ku maahmaadaa “Hunguri wadkii ma arko.” Markii uu shabeelkii uu ka dhaqaaqay goobtii uu ninka ku diley balse aanu ka fogoon wax badan goobtaasi uu yaalo ninka naftu sii dhibaaysaa ee weli sii jibaadaya, shabeelkuna isa soo taagay meel gabiya oo kayn dhexdeeda ah, welina uu ilqoodha ka soo eegayo ninka jibaadaaya ee uu goobta ku diley iyo Aw Ibraahim Taagweyne oo isla goobtaa kuudud isla gamaarinaaya ayuu Aw Ibraahim in waxoogaaya markup kolba hareeraha iska eegaayey oo uu kolba jiho deeyma deeymoodo isagoo aad u taxadiran uu kama dabaayntii qorigii goobta ninka shabeelku dilay laac isyidhi.

Bal aaynu eegnu arintu meel adag baay marasaaye halka aay ku danbaayso. Aw Ibraahim Taagweyne iyo waxa aay kala mudan donan Shabeelka dhagaraaysan ee goobtan iyo goortan gabal sii dhacaayo soo quudhudhan.

La Soco Qaybaha Dambe.
Diyaarintii iyo kaydintii:

Khadar Jaambiir Egeh