Laba waa mid uun in xaga hore loo SOCDO iyo in dib loo socdo. Waxaad darwemaysaa qayloย adan iyo cabasho dhaqaale oo guud ahaan Caalamkana ka jirta.
In hore loo socdaa muuqata. Siyaasiyiin MusalafayIyo Daciifnimo xaga Odayaynta ah iyo bulsho aan bislaan. 5 Sanaa la Siiyay. kaliya Suga Sanduuqa cod bixinta.
Hadaad diido Waxaynu ku heshiinay dhismaha Somaliland Kaliya Dhamaanteen wax kastoo dhaca.
Siyaasiyiinta Awdal we hore.
Borama kuwa Cambaraynayaa waxay ku doodeen Xilala.
1. Madaxwaynaha in loo yeedhiyo kumaynaan heshiin.
2. Xil shalayba waad hayee maxaad tartay.
3. Xisbi gal oo waxaad doonto dheh
4.meel dhaxaan joogayaa si la iigu yeelo dood maaha
5. Ta kale Madx. Daahir Wakhtigii sii baad ugu Xil yarayd. Awdalna ka adeeg liidatay. Xil raadiyow tabasho badan way jirtaa oo jirtaa lama dadiri karo.
Cida dafirtana waa maan laawe. Hadaba Saamiga iyo Somaliland yaan la isku xidhin.
Oo shakhsi 28 sano xil hayay wax uu ku gabraarto danta gobolku ka wayn. Ta kale Waraqaha sifiican oo xadaaradiiya haloo kala haadiyo.
Hadda xaasilku waa in cod lagu lala baxo cidii wax kale keentaa iyadaa cirka roob ku og. Waayo maxaa taasina?
Ugu yaraan in wiilka boorama ku dhashay Dugsi.Hoose dhexe sare. Jaamacad Shahadada 1aad 2aad. Borama3ku qaato jaamacada ama shaqooyin Caalamiya ama gudaha ah ama bilaa camala ah. Ugu yaraan waa guul culus oo gun dheer.
Inkaa qori loo dhiibaa waa dulmi dalkoo dhan ku dhacay. Haddii Siyaasi nolol raadis ah ama shaqo ama sharaf raadisi waddo waaba laga tashan lahaa.
Haddii kii shalay shaadka dawlada 28 xidhnaa markuu banaan dabayshiisa dareemo dugsigii dawladnimada udugeedii ul uu ku raadiyo kaa dhigto waa dhugasho la’aan.
Haa saami baa maqan xaga xilalka, Shaqooyinka Qandaraasyada u dhawaansha dawlada. Waa dhab. Balse aynu taa udumino danta siyaasi Shaadh gadis la ah waa gobonomo daro.
Ta kale Xalka uu hayaa waa maxay Waar Hadaan dahabo bixiyo maxaa ii damaanada.
Ficiltanka is dhexeeya siyaasiyiintu in uu gaadho qaranimada lafteeda waxa jira meelo badan oo ka hooseeya oo doodo taalo.
Siyaasiyinta Khaatumo
Heshiiska khaatumo waa in dawladu dood la furtaa Oo lafa gur iyo xaliibin lagu darsaa taladana dhulka dhigaa. Garabyada kala duwan waa in afkaar ahaan la isku qumaa. Ixtiraam ka ay mudan yihiina la siyaa. Lagana talo galiyaa degaankooda.
Siyaasiyinta hore Bariga Burco
Dalku doorashuu galay natiijadii lagu dhawaaq haddaba dawladnimadii cunahaan is kaga marayaa maaha xal.
Tabasho way jirtaa hagrashana way jirtaa labada dhinacba mid ba mid ah siday u kala horeeyaan.
Haa tabasho xaga mashaariicda ah. Shaqaalaha dawlada galbeedka burco barigaa ka sad badan.
Dawladnimada Udub iyo Craxmaan Allaah yarama soo marte. Balse taa mashaariicda way jirtay dawladii Siilaanyo. Tan ma hubo wali. Iyo horumarinta degaanada qaar. Dawladan xaga wasiirada A idinku yar.
In inta shir la qabto dawlada awaamiir loo yeedhiyaa dawladnimaday dilaysaa ku kastoo yimaada. In dadka qaar qoryo qaataan oo lasoo xarayn waayaa waa ceeb guud oo dhamaan bulshaduย ceeb taa waddaagto.
In ciidankaygaan ka goostay oo dagaal baan qaadayaa qof yidhaa waa khalad wayn oo dastuuriya duruuf kasta.
Balse in isha dadka qaar u dabaana. Waa (waxay uun u daran tahay ka dambee halkiisii in loo doorto jecelahay.)Gaariya Allaah yaraxma . Taasina maaha wax la mahadin doono haddii aan looga wadda guntan furdaaminta.
Xalka ugu dambeeya in aan soo qadimaa waa halkaan rabbay roob igu hel. Nin dan siyaasi lihi in uu dantiisa ka dhex arko qori. Waa guul darada siyaasadeed ta ugu fudud uguna cawaaqibka xun. In badana ummada meel xun hore u furay.
Maanta Somalia dagaal diblamaasiyadeed mid aduunkii oo dhan ha la kulmina ha u tagina dhaqaale sida xanibaadii Xoolaha mid borobogando meelo badan baa qorshayaal toos inoogu jihaysan Somaliland lawadaa.
Bari dhawayd. Salaadiinta, Fanaaniinta, dhalinyarta,ย Wariyayaasha, Aqoonyahanka waxa loo abuuray mashruuc la yidhaah is dhexgalka. (Integration). Kaasi oo miisaaniyad lagu hago.
Culayka hadda Somalia ina saartay maaha mid qarsoon waa mid culus in xataa xoolihii la joojiyo la isku dayay. Dagaal adag baa jira waxaana keenay culayskaa in Somaliland looba arko mushkilada 1aad AMA 2aad ee Somalia haysata.
Dawladaa wadda oo fangaraynaya waana la tuhmi karaa guuxa la abuuray in gacamo kale ku jiri karaan. Kuwaas oo leh ajendayaal qarsoon. U fiirso jubaland waxa ku socda inaga hawadeenii meeday. Waa in xisaabo badan isku gaysanaa. Waraaqaha kala duwan ee tabashada iyo qaranimada kala dhawrnaa.
Marar badan buu guul daraystay in gudaheena waxa ka bildhaamaan marka laga reebo dad shaqo tagay iyo qaar soo hungoobayba.
Balse hadda waxaad moodaa in dhacdooyin iska dhacay ama la abuuray ay u dheeliyeen dhinac dalku ka koray in ka badan waddamo africa ugu culus sida Kenya. Waa xaga ku kala baxa Sanduuqa cod bixinta.
Taasi oo tilmaan la tuhmi karo u ah in adeeg hoose dhex mari karo dadyaw dano siyaasiya rabba ama fulinaya ajendayaal qarsoon oo dawlado hagayaan jecel dawlada Xamar.
Haddaba ninka neceb Xukuumada ee qaabkan jujuubka wax ku doonayaa habeen muu jirin laba waa mid mid Dane siyaasi u fuliwaayeen iyo mid diidan shakhsiyada Madaxwaynaha ka
waad diidi kartaa balse xisbi sidiisa gal ama furo oo salaankaa 17 sano uu soo fuulayay dee haku canaanana kumuu inqilaabineย xaqna wuu u leeyahay haddii la doorto qof kastaa.
Doodaydu waar adeega bulsho maad ahayn siyaasi ee kursi doon baa tahay ee hadaad diiday qaab maamulkiisa kuwii hore ba waad ogolayde sidiisii xisbi furo ama mid gal nabada ha ku baalu xooftayne.
Waxaan usoo jeedinayaa in dawladu dadka dhagaysato dadkuna nabadooda ilaashadaan. haddii aan dumino horta yay ka dumaysaa waxan oo hanjabaada. Kaliya waddaniyiinta dhabta ah ee Xoogsatada u badanย basaborna Haysan.
Haddaba cid kastoo nabada eray badhkii ku darsataa waa deeq halka cida kalmad badhkeed ku darsataa dilid naf muslimi ay la dambi tahay ka gaystay.
Qalinkii Axmed Cali Kaahin