Qayb yar oo ka mid ah buugga Hayaan oo aan soo saaray 2022
Ka hor inta aynaan bilaabin in aynu sharrax dheer ka bixinno dhaqdhaqaaqyada isbeddelka dhaliya, waxa aynu si kooban u eegi doonnaa macnaha iyo erey-bixinta weedha Dhaqdhaqaaq oo luqadda Ingiriisiga ku ah (Movement), luqadda Carabigana ku ah Xarakah.
Dadka Af-soomaaliga ku hadla intooda badan marka ay ka warramayaan ama tilmaamayaan dhaqdhaqaaq waxay adeegsadaan ereyga Carabiga ah ee Xarako, innaga oo si joogto ah dadka uga maqalna Xarakadii SNM, Xarakadii Waxdadda, Xarakooyinka Wadaaddada, Xarakada Al-shabaab, Xarakada Daalibaan, iwm.
Haddaba, sida uu Qaamuuska OXFORD ku qeexayo ereyga dhaqdhaqaaq (Movement): waa dhaqaaq ku dhaca walax, qof ama shay iyadoo uu u digo-roganayo meel kale oo aan ahayn halkii lagu yaqaannay.
Waxa kale oo ka mid ah qeexdimaha qaamuuska OXFORD ku sheegay ereyga Dhaqdhaqaaq inuu yahay; “isbeddel dhaca waqti cayiman (gaar ah) oo keena natiijo saameyn karta dadka sameeyey, kuwa aan samayn iyo kuwa lagu sameeyeyba.”
Haddii aynu u sharraxno hab bulsho ereyga dhaqdhaqaaq waxa lagu tilmaamaa inuu yahay; “Hawlgal joogto ah oo lagu difaacayo mabda’ gaar ah, si loo gaadho yool la dhigtay, kaas oo ay majaraha u qabtaan koox dad ah oo ku heshiiyey rajo isku mid ah iyo caqiido ay wada rumaysan yihiin, si ay u sameeyaan isbeddel guud oo bushadoodu dareento.”
Inta badan dadka isku mashquuliya wax-ka-qorista dhaqdhaqaaqyada iyo xarakooyinka adduunka soo maray waxay adeegsadaan erey-bixin caan ah oo ay u yaqaanaan dhaqdhaqaaqa, taas oo ah in xarako tahay “Ujeeddo ula-kac ah oo loogu talogalay in lagu beddelo xaalad bulsho ku sugan tahay, isla markaana wadaan koox si joogto ah u qorsheeya hawlo go’an, iyagoo adeegsanaya tabararro xooggan, khudbado iyo wacyigelin yoolkoodu yahay in bulshadu dareento xaaladeeda waqtigaas, si ay mar dhow ugu dhego nuglaato qaadashada isbeddel kasta oo yimaad, kooxdaas oo u babac-dhigta cadaadis walba oo kaga yimaad dhinaca nidaamka maamul ee xilligaas ka jira halka ay ku nool yihiin iyo meelaha kale ee saameynta ku leh.”
Qore:Cabdillaahi Beershiya
Bandhige@gmail.com