Khaladka ugu weyn ee Siyaasiyiinta, Goobaha waxbarashada iyo wadaadadu galeen soddonkii sano ee aan soo dhaafnay waa in aanay dadka u sheegin wadaniyadu waxa ay tahay? Haddii aan dhinaca diinta oo ugu mudan soo qaadanno waxa ay wadaadadu dadka u sheegeen inay muslimiintu dhammaantood hal wadan leeyihiin, laakiin taasi waxay baalmarsan tahay waaqica lagu nool yahay maanta.waan mid Meesha ka saartay inuu qofku ixtiraamo wadanka uu ku dhashay ee uu ku nool yahay, ee uu biyihiisa cabay, hawadiisa neefsado, ciiddisana dul socdo, in qof uu yeesho wadan uu ku nool yahay oo uu ku abtirsadaa waa nicooyinka waayen ee Alle bixiyo, hadii uu waayo wadankaasina waa mid ka mid ah masiibooyinka waaweyn ee laga ducaysto.
Manhaj xumida iyo fahan la’aanta diintu waxay dayacday in aanu qofku ixtiraamin wadankiisa, waxa bulshadeena ka soo dhex baxay qof ixtiraamaya wadan ka fog oo uu u haysto in muslimiinta looga taliyo, waana qodobka keena in dhacdooyinka wadankiisa iyo jiritaankiisuba aanu qiimo la yeelan.
Waa ta keenta in aad xafladaha aad ku aragto qof dambi u arka heesta calanka ama sidoo kale xeerarka nolosha kala socodsiinaya diin la’aan u arka.
waxa aan sidaa u leeyahay maalin dhoweynd ayaan ka qayb galay xaflad lagu furayey Suuqa Waaheen, dadkii oo dhan waxa ay u istaageen heesta calanka laakiin dhawr qof oo leh muuqaal wadaadnimo, ayaa iska fadhiyey oo dadkii khilaafay, dhawr qof oo iga horeeyeyna waxa ay ku sheekeysanyeen; “Waar ma iska fadhisnanaa, waa kuwaa dadka kaleba iska fadhiye’e”.
Arrimahani maaha wax dhayal iskaga dhashay, waa arrimo laga sheqeyeey oo muddo dheer ku disayey dadka, kuwaas oo ay dadka uga warameen dadka isha qudha wax ku akhriya ee isha kale isku haya, fahankooda diintuna uu kooban yahay, waana halka ay ku luntay xikmadii ay diintu u soo degtay.
In wadankaaga aad jeclaato, difaacdo, u hoggaansanaanto qawaaniintiisu waa waajib diini ah, u hoggaansnaantiisa waxa ku jirta jeclaanshihiisa, astaamaha lagu garto jacaykiisa waxa ka mid ah in aad ixtiraamto marka aad maqasho heestiisa calanka oo tilmaamaysa faanid iyo jiritaan wadan. Wadaniyada iyo waxyaabaha la xidhiidha iyo sida uu islaamku u arko waa arrimaha meel la iskaga tiiriyey ee lagu kala hagaagay iyada oo la is waafajiyey xaaladda ay dadka muslimiinta ah maanta marayaan iyo qawaaniinta diinta islaamka ee arrintan ka hashaday.
Qore:Cabdillaahi Beershiya
Bandhige@gmail.com