Horta Tareenka aanu Saarnayn yaa Waday? ..W/Q:(Cabdilaahi Beershiya)

In aan ku xidhmo oo aan si joogto ah u daawado telefiishanka Aljazeera laga soo bilaabo markii la aasaasay ilaa 2016-kii, waxay ii ahayd dugsi weyn oo waxbarasho iyo faham iskugu jira. Telefiishanku waxaa uu soo bandhigay barnaamijyo qoto dheer oo ay daadihinayeen dad khubaro ah sidoo kalena dadka ka soo qayb gelyey ay ahaayeen xul oo ka kala socday aragtiyo kala duwan oo dunida Carabta iyo Muslimka ka jiray. Aragtiyahan waxaa ka mid ahaa Islaamiyiin, Qoomiyiin, Hanitwadaayaal, iyo kuwo aan ku abtirsan mid ka mid ah kooxahaas.

Maalin walba waxa aan si joogto ah u daawan jiray barnaamijyada toddobaadka gudihiisa ku kala firidhsan, kuwaas oo isugu jiray dooddo iyo waraysiyo xiiso leh. Sidoo kale, waxa aan si gaar ah u xiisayn jiray warka loo yaqaan “Xasaadul Yoom,” kaas oo si faahfaahsan u soo bandhigi jiray wararkii ugu dambeeyey ee Bariga Dhexe iyo dunida inteeda kale.

Si kastaba ha ahaatee, daawashadan joogtada ahi waxay saamayn ku yeelatay hab qoraalkaygii iyo hab-fikirkaygii. Marar badan oo aan dib u eegay qoraaladii aan sameeyey xilliyadaas, waxa aan ogaaday inay si weyn uga turjumayeen fikirka iyo aragtida Aljazeera amma haddii aan si kale u dhigo siyaasadda tifaftirka telefiishankaasi. Waxa aan aad u xasuustaa dowladaha uu telefiishanku sida ba’an u dhaliili jiray inay ka mid ahaayeen Imaaraadka iyo Sucuudigu, aniga Cabdilaahi ahaan waxay igu keentay in aan xiiseeyo cid kasta oo wax ka sheegta dowladahaas, ilaa markii dambe aan dib iskugu noqday oo aan bilaabay in aan si dhexdhexaad ah uga fekero arimahan.

Sannadkii 2016-kii, waxa aan qaatay go’aan aan dib ugu saxayo saameynta aan fiicneyn ee ay daawashada Aljazeera iyo warbaahinta kaleba igu reebtay. Maqaalkan oo aan u bixiyey “Horta Tareenkii aanu Saarneyn yaa Waday?” wuxuu ka tarjumayaa baraarugga aan ku gaadhay in aan tareenkaa ka dhaadhaco inkasta oo aan saarnaa muddo dheer oo 20 sano ku dhaw, haddana waa dabiici in aad ka degto marka aad ogaato inuu khalad yahay, adiga oo kaga degaya istaanka ugu horreeya ee aad ku baraarugto.

Maqaalkani wuxuu astaan u yahay safarkayga feker ee ku salaysan isa sixidda iyo dib-u-eegid aragtiyahaygii hore iyo qaadashada aragtiyo cusub oo dheelitiran. Waa xusuus muhiim ah oo muujinaysa sida qof walba uu u baahan yahay inuu dib u qiimeeyo ilaha xogta iyo saameynta ay ku leeyihiin aragtidiisa iyo qoraalkiisa.

 

#kuCelis 2016

Qore:Cabdillaahi Beershiya

Bandhige@gmail.com