Mufakir waa qofka si isku sidkan u adeegsada caqliga iyo falanqaynta isaga oo ka duulaya aqoon ballaadhan oo u leeyahay sida Saynis, Qaanuun iyo Suugaan amma xirfad shaqo, weliba isaga oo ku hawlan inuu soo saaro faafinta fikradahaasi.
fikirku waa mid ka mid ah astaamaha banii’aadamka, waxaana la yidhaahdaa Aadamuhu waa noole fikira si uu u xaliyo mushkiladaha haysta.
Mufakirka waxa kale oo aan u adeegsan karnaa ereyga Faylasuuf, waana qof leh aragti ballaadhan oo wax soo saar, sidaa darteed waa inuu isagu ka fayaw yahay waxyaabaha ay la dhiban yihiin bulshadiisu.
Soomaalida maanta joogta way yar tahay qof lagu tilmaami karo inuu mufakir yahay, marka laga eego waxyaabaha ku xeeran, xog la soo akhriyey oo la jeediyo laguma noqdo mufakir, shahaado qarax ah oo keli ahna laguma noqdo mufakir…. Waa sida ay ila tahay….
Qore:Cabdilaahi Beershiya
Bandhige@gmail.com