Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Cabdilaahi Baashe) oo Maanta Kulan La Qaatay Culimada Ducaadda Tabliiqa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland Sh. Cabdilaahi Daahir Jaamac (Cabdilaahi Baashe) ayaa maanta oo salaasa ah kulan muhiim ah la qaatay Culimada ducaadda Tabliiqa kulankan oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Wasiirku waxa uu ka hadlay muhiimadda wada shaqaynta culimada iyo kaalinta ay ku leeyihiin Horumarinta bulshada, nabadgelyada, iyo Fidinta dacwada diinta Islaamka.

Culimada ayaa dhankooda u hambalyeeyey wasiirka soona dhaweeyey waxaanay sheegeen oo ay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan wasaaradda.

Kulanka waxaa xooga lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhexmarta culimada iyo Wasaaradda, iyadoo la isla qaatay in la sii adkeeyo ku dadaalidda Bulshada sidii ay ugu xidhmi lahayd illaahay iyo sidii loo adkayn lahaa isdhexgalka iyo midnimada Bulshada.

 

AllA MAHAD LEH