Dhinaca kallena waxaa ka curtey Boqortooyadii Faransiiska kacdoon uu shacabku kaga soo horjeestey Boqorkii Liwiiskii XVI (King Louis XVI) iyo xaaskiisii (Marie Antoinette), gadoodod kaas shacab oo socdey muddo saddex sanno ah oo bilaamay sannadkii 1789-1892 kii. Waxaa kacaankaa Faransiiska ka bilaamay hogaaminayey siyaasigii caanka ahaa ee looyaqaaney Roobesbiir (Robespeirre), kaas oo ka mid ahaa xildhibaanada Aqalka Sharciga Boqortooyada Faransiiska. Robespeierre waxaa isna markii dambe lagu soo oogay in in uu galey khayaamo qaran waxaana lagu fuliyey xunkun dila oo waxaa la daldalay isla sannadkaa 1794, saddaex sano ka dib curashadii kacaanka Faransiiska.
Kacaankaa gadood ee ka curtey Faraans waxaa saldhig u ahaa shacabka Faransiiska oo aay soo foodsaartey faqri aad faro-ba,an oo muddo dheer ka sii daraayey marba marka ka sii danbaaysa, dhinaca kalena Boqorkii (King Louis XVI) iyo xaaskiisii (Marie Antionette) oo aan shacabka ku dhex noolaay si aay dhibtay uu la wadaagaan; waxaaney Boqorka iyo Boqoradu iyo maddaxdii ka hoosaaysaba aay deegaan ka dhigteen Qasriga Feersaayl (Versalles) goobtaaasi oo aay janno yar ka samaaysteen. Tomos Jafarson (Thomos Jafferson) danjirihii u fadhiyay Maraykanka xilligaasi gadoodku socday, waxa uu boqortooyada Faransiiska ku tilmaamay in aay yihiin โYeeyโ, shacabkuna aay yihiin xaayn adhiya oo xero uugu jirta oo aay doorba qaayb aay qashaan.
Sannadku marka uu ahaa 1793 Boqorkii (King Louis XVI) iyo xaaskiisii (Queen Marie Antionette) waxaa lagu daldalay iyagoo kurka lagaga jarayo Majo weyn goob fagaaraha oo aay shacabkii Faraans u daawasho tageen. Wax yar ka dib kursigii Boqortooyada Faransiiska waxaa ku fadhiistey (Napoleon Bonapart) oo ku sheegay in uu taashka boqortinimada ka helay isagoo yaala beer cidla ah.
Faransiis waxa aay lumisey Mustacmaradii (Caribbean) 1814, waxaanay hanqalka u soo taagtey qaarada Afrika. Faransiisku waxa uu ku duulay Masar oo waxa uu qabsadey Alexdria iyo Qaahira, waxaana duulaankaa hogaaminayey sannadkii 1801 Boqorkii Faransiiska Naabilyoon Boonabaart (Napaleon Bonapart) kaas oo ku duulay ilaa Falastiin balse uu iska caabin xoog badan kala kumlay Boqortooyadii Cismaaniyiinta. Sannadku markuu noqdey 1874-1875, waxaa Zaylac la wareegay Khadiif Ismaaciilkii Masaarida. Waxaanu isku fidiyey Zaylac, Buloxaar ilaa Berbera; xilligaa Burhaan Bey waxa uu Berbera ka ahaa (Effendi), ereyga โEfendiโ waa erey Turkiya, micnihiisuna waa Badhaasb ku xigeen ama sarkaal sare.
Xilligaa waxaa Berbera Badhasaab ka ahaa Radwaan Pasha, Burhaan Affendina waxa uu u ahaa gacan yarahiisa ama ku xigeenkiisa, waayo si rasmiya Burhaan Bey waxa uu Badhasab uuga ahaa Zaylac oo uu aabihii saldnaadka xukuma ka ahaa.. Dhinaca kale, isla xilligaasi waxaa xeebaha Soomaalida ku loolamaayey oo uu tartan weyni iyo isku haaysi uu ku dhexmaraayey gumaaystayaashii reer Yurub oo kala ahaa Faransiis, Jarmal, Ingiriis iyo Ruushka oo Boqortooyo ahaa oo loolanka dhul boobka xeebaha Soomalida lagu boobayo dhinaciisa kaga jirey.
La Soco Qormooyinka Dambe.
Diyaarintii;