Xawliga uu ku dhaqaaqay Ururka KAAH markii Ururada la furay julay 2022kii waxa uu markiiba Ku guulaystay Shaahadadii Ururnimo 2023kii ka dib markii Gobol kasta soo tubay 1000 qof ee laga rabay,Markaas ka dib Ururka KAAH wuxu isu Diyaariyay inu Doorashada loo asteeyay nov 2024ka inuu ka mid noqdo Ururrada tartamaya Doorashada Xisbinimo iyo Madaxtooyo ee Somaliland labadaba.
Taasi may suurto gelin oo rabashado ayaa hakiyay,waxa odayaal is xilqaamay xal ku soo saareen in laba Doorasho oo Isku Sidkan laga dhigo madaxtooyada iyo Ururrada,xalkaas oo ahaa in musharixiinta saddexdii xisbi ee hore u jiray iyo ku xigeenadoodu u taratmaan Madaxtooyada, halka toddoba Urur ee loo aqoonsaday Ururnimo iyo Saddexda Xisbi oo ee hore u jiray oo isku noqonaya 10 Urur u tartamaan Xisbinnimo bisha Nov sanadka 2025. Madaxweynihii talada hayayna Muuse Biixi Cabdi wuu aqbalay.
Haddaba waxa mucjiso noqotay, KAAH waxa uu tartan la galay saddex xisbi oo gaamuray oo awood leh, oo midi yahay xisbiga talada Hayay ee Kulmiye Labada kale ee WADDANI iyo UCID oo iyaguna yihiin xisbiyo muddo 20 sano iyo dheeraad soo jiray oo dabcan xididdo qoto dheer u aasanyihiin dhinaca kale waxa uu tartan la galay 6 Urur oo doonayay inay xisbiyo u soo baxaan.hase yeeshee KAAH wuxu noqday xiddig ka dhex iftiimaysa Ururrada saaxadda siyaasaddana ku soo kordhiyay xirfado iyo Hannan Hufan.
Waxa xusid mudan in Ururka KAAH isbahaysi la samaystay xisbiga WADDANI 4tii ogoust 2024kii oo la isu bahaystay sidii xukunka looga tuuri lahaa xisbiga KULMIYE taas oo guushii WADDANI uu doorashada ku helay soo dedejisay, maanta Guusha uu ku naalloonayo WADDANI waxa qayb wayn ku leh KAAH.
NATIIJADII DOORASHADA 13KA NOV 2024
Tirada guud ee codadka la dhiibtay doorashada madaxtooyada Somaliland waa 647,863, halka tirada guud ee codadka ansaxay lagu sheegay 638,126, sidookale 9,528 cod ayaa xumaaday.
Cabdiraxmaan Cirro oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani, ayaa ku guulaystay codad dhan 407,908 oo u dhiganta 63.92%, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo ka sharaxnaa xisbiga Kulmiye ayaa isna helay 225,519 cod oo u dhiganta 34.81%, halka uu musharixii xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu helay 4,699 oo u dhiganta 0.74.
Doorashada xisbiyada oo ku lamaanayd doorashada madaxtooyada, ayaa tirada guud ee codaysay lagu sheegay 646,188 oo u dhiganta 53% halka 630,812 cod oo u dhigma 98% ay ansaxeen.
Xisbiga Waddani ayaa helay codad dhan 216, 284 xisbiga KAAH oo ku xigay ayaa helay 131,507 halka xisbiga KULMIYE uu helay 108,100 COD sidaana waxay ku noqdeen saddexda xisbi ee Somliland ka arrimin doona 10ka sanno ee soo socda.
Sidookale, ururka Barwaaqo ayaa helay 16,852 cod, ururka Rajo ayaa helay 2083
ururka Horseed ayaa helay 78,218 cod,
ururka Talowadaag ayaa helay 6080 xisbiga UCID ayaa helay 10,105 cod, Hillaac ayaa helay 59,569 cod, ururka Shacabka ayaa helay 2014. Ururadan ayaa dhamaantood waayay doorashada.
Guntii iyo Gunaanadkii markaynu eegno guulaha isdaba joogga ah ee KAAH, iyo cilmi baadhis male awaal ah oo dhawaan aanu ka samaynay dadka Caasimadda Hargeisa Deggan, waxay shantii qof ee meel fadhiyaaba afar ka mid ahi sheegeen inuu doorashada soo socota ku guulaysan Doono Hoggaanka dalka Xisbiga KAAH,waxa halkaas ka muuqatta in xisbiga KAAH uu yahay ka guulaysan doona Doorashada soo socota Musharaxna uu ka Noqon Doono Gudd.Maxamuud Xaashi Cabdi oo la filayo inuu nqodo M/weynaha 7aad ee J/somaliland insha allah
Allaa mahad oo dhan leh.
Rashiid Odowaa
Rashidsalan@gmail.com
Bandhige@gmail.com