Sheekh Maxamed Idiris Alle Ha Xafidee Wuxuu Wadanka Joogay Muddo Ku Dhow 10Caanomaal Meelo Door Ah Buu Tagay oo Bandhigyo ka Dhigay Wuu Mahadsan Yahay Alle Ha Barakeeyee Laakiin Sheekh Maxamed Idiris iyo Kuwa Soo Casuumay Miyaanay Ogayn Inuu Nidaam ka Jiro Dalka Oo Haayado Dowladeed Jiraan oo Kala Hooseeya.
Tusaale Ahaan
Miyey Ogyihiin Masuuliyiinta Wasaarada Diinta iyo Awqaaftu imaanshaha Sheekha?
Miyey Ogyihiin Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Guduhu Imaanshaha Sheekha?
Miyey Ogyihiin Imaanshaha Sheekha Maamulka Gobolka iyo Maamulka Degmadu?
Intaasba Miyey Ogyihiin imaanshaha Sheekha?
Waa Su.aal u Baahan Jawaab?
Aduunka Nidaam Baa Jira La Raaco Markaa Sheekha Iyo Qolooyinka Soo Casuumay Miyey Soo Mareen Intaas oo Jaranjaro?
Shalay Waxa Hadlay Badhasaabka Gobolka Muu Dhinac Fadhiyin Maayirkii Kuxigeenkiisii Ama Xoghayihii Dowlada Hoose Maadama Ay Arinta Sheekhu u Yimid Inay Ogaadaan Intaas Oo Nidaam.
May Ahayn Inuu Badhasaabku Hadlo Isaga oo Aanay Dhinac Fadhiyin Maamulkii Degmadu.
Shalay Intii Aanay Bandhiga Joojin Dowladu Waxay ahay inay Xidhiidh La Sameeyaan Sheekha Iyo Qolooyinkii Casuumada u Fidiyey Si Ay u Waydiiyaan Su. aalo La Xidhiidha Bandhigan Iyo Wuxuu Ku Qotomo maadama Aynu Nahay Wadamada Ugu Horeeya Dhanka Amniga Ayna Tahay Inaynu Waxba an Ka Fiirsano Intaynaan Warbaahinta La Hadlin.
Dowladnimadu Waa Ixtiraam Iyo Is Qadarin Shaqooyinka Qarankana Waa La Kala Leeyahay Ee Ha Laysku Ixtiraamo.
WQ: Bashiir Cabdi