Sharciyada hawada sarre iyo khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya Q.5aad (WQ: Axmed Muuse)

Xalka khilaafka

Maanta waxaan halkan ku soo gebebaynayaa maqaaladeenii taxanaha ahaa ee ku saabsanaa Sharciyada Hawada Sare iyo Khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Maqaalkan oo aan kaga hadli doono xalka laga gaadhi karo khilaafka hawada sare.

Hawada sare (Airspace) waa qayb ka mid ah dariiqyada lagu safro ee ay maraan gaadiidka cirka oo ah kan ugu dhakhsaha badan marka loo eego gaadiidka dhulka iyo badda. Marka labaad waa ka ugu shuruudaha iyo sharciyada adag maadaama uu gaadiidkani sii kor maraan waddamo badan inta ay safarka ku gudo jiraan,sidaan daraadeed waa tan keliftay in la sameeyo hay’adda sharci dejinta iyo maamulka hawada sare ee loo yaqaan International Civil Aviation Organisation (ICAO), si loo helo safarro xagga cirka ah oo nabad gelyo leh xag farsamo iyo xag sharciba.

Hadaba, innaga oo eegayna shirkiii lagu aasaasay hay’addan ICAO, laguna kala saxiixday heshiiskii la magac baxay Chicago Convention sharciyo 96 qodob ahna lagu kala saxiixday sannadku markuu ahaa 1944. Shirkaas oo lagu soo casuumay 55 waddan sidaynu hore u soo sheegnay, waxaa ka soo qayb galay 54 waddan, iyadoo markaa uu Ruushku ka baaqday shirka oo weftigii uga qayb geli lahaa oo safarkoodii ku sii jira dib loogu yeedhay, ilaa maantana aan saxiiixin heshiiskan. Heshiiskaa Sooomaaliya waxay saxiixday 2-dii March 1964, ka dib markii la aasaasay shirkadii Somali Airlines.

Waxaan halkan ku soo qaadan doonaa sharciyo caalami ah oo ay garab mareen hay’adaha ICAO iyo UNDP oo iyagoo iskaashanaya gacanta ku hayey muddo 27 sanno ah hawada Soomaaliya, ugu danbeyna ku wareejiyey Somalia dhamaadkii 2017kii. Arrintan waxaynu u kala qaadi doonnaa 2 qaybood oo kala ah Sharciyada caalamiga ah ee ay labadan hay’adood ICAO iyo UNDP jebiyeen, midina waa qaladka ay xukuumaddii hore ee Somaliland ay samaysay, waana sidan hoos ku xusan:

UNDP:

1. Hay’adda UNDP waxay ka talaabsatay xeerkii hawada Somalia loogu dhiibay oo ahaa Resolution 954 ee UN charter VI 1994 oo dhigayey in hawada iyo nabadgelyadaba ay gacanta ku hayso, lana wareejin karo uun marka la helo dawlad la aqoonsan yahay oo gacanta ku wada haysa waddankii la isku odhan Jiray Soomaaliya oo dhan.

2. Waxay kaloo ay gudan waayeen ujeedadii Resolution 954 oo ahaa in dib loogu soo nooleeyo xidhiidhkii hawada ee Somalia/Somaliland.

ICAO:

1. Waxay jebisay xeerka Article 28 Paragraph (a) In waddanku uu leeyahay xad uu ka taliyo (Territory) iyo madaarro (Airports),

Taas oo aanay Somalia buuxin shuruud ahaan, maadaama aanay ka wada talin dhamaan dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka hor 1991 kii.

2. Isla xeerka Article 28 Paragraph (b) wuxuu dhigayaa inuu waddanku xag qalab iyo farsamo (Naviagtion facilities) uu leeyahay kuwaas oo waafaqsan Standards and Practices Recommended (SAPR) ee ICAO.

Qodobkan labaad ayaa isna ku jiray shuruudihii markii ay Soomaaliya iyo ICAO wada saxiixeen heeshiiskii is afgarasho MoU (Memorandum of Understanding) ee ka dhacay Aden Cadde Airport 2013kii. Heshiiskaasi waxaa ku jiray in la sameeyo Xarun labaad oo maamulka hawada ah oo hawsha wadi kari marka ay xaalad degdeg ahi timaado (Contingency Air Control Centre) oo weliba ah meel aan Mogadishu ahayn. Shuruudaasna Dawladda Federaalka ee Soomaaliya may hir gelin.

Somaliland:

Xukuumaddii hore ee Somaliland waxay iyaduna ku guul darraysatay arrimahan hoos ku qoran:

1. Ma dhicin in heer wasiir ama meeqaam sare loogu diro xarunta guud ee ICAO ay ku leedahay Montreal. Marka laga reebo kulamadii ay Somaliland uga qayb galayey Steering Committee-gu oo ay xubin ku lahayd, halka ay Soomaaliya 5 safar oo heer wasiirro ahi isaga daba noqonayeen xarunta guud ee ICAO.

2. Markii uu is casilay xubintii Steering Committee-ga ay Somaliland ku lahayd, xukuumaddu may magacaabin xubin cusub.

3. Waxay xukuumaddii Somaliland ee hore ku mashquushay, wakhti badanna ku bixiyeen wadahaladii madhaleyska ahaa ee ku dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya wadamada UK, UAE iyo Turkiga iyadoo dhanka kalena ay Soomaliya sii wadatay heshiisyo isdaba joog ah oo qarsoodi ay la galeen ICAO iyo UNDP iyagoo u tusaya in aanay jirin wax khilaaf ah ee ka socda dhanka Somaliland.

4. Xukuumaddii hore ee Somaliland may u gudbin ICAO heshiisyadii lagu kala saxiixday Istanbul I iyo Istanbul II.

5. Markii ay heshiiska is afgarasho (Memorandum of Understanding) kala saxiixdeen Soomaaliya iyo ICAO 2013kii ilaa iyo wakhtigii heshiiskii ugu danbeeyey ee ahaa dabayaaqadii 2017-kii Somaliland ma gudbin dacwad ka dhan ah heshiisyadaa, marka laga reebo xayiraaddii lagu soo rogay duulimaadyada UNDP ee May 2013-kii, ka dibna la fasaxay July 2013. Taasina ay keentay inay timaaddo maqnaansho (Vacuum) dacwadeed oo suurta gal ka dhigay inay Soomaaliya ku dooddo in ay xaq u leedahay hawada ka sarraysa dhulkeeda iyo baddeeda iyagoo cuskana xeerka Article 1 ee Chicago Convention 1944.

Sharciyada hawada sare (Airspace Law) ee khuseeya khilaafka:

Maadaama ay hawada sare (Airspace) ay tahay meel aad u xaasaasi ah oo aan waddanna lagu qasbi karin in hawadiisa sharci la’aan lagu mari karo, midda kalena aan khatar la gelin karin dadka iyo diyaaradaha laftooda. Waxaa habboon in ay Somaliland iyadoo sharciga uu dhigayo Chicago Convention 1944 ay dacwoon karto sharciyada hoos ku qoran:

1. Maadaama uu xeerka Article 1 ee Chicago Convention uu dhigayo in waddan kastaa uu xaq iyo xorriyad buuxda u leeyahay hawada ka sarraysa dhulkiisa iyo baddiisaba.

Xeerkani wuxuu xaq u siinayaa in waddan kastaa iska leeyahay hawada ka sarraysa iyadoon loo eegaynin inay ka mid yihiin kuwa heshiiska saxiixay (Contracting states) oo keliya.

2. Xeerka Article 2 ee Chicago Convention 1944 wuxuu isna dhigayaa in waddan kastaa uu xaq u leeyahay difaacidda hawada ka sarraysa dhulkiisa iyo baddiisaba.

Xeerkani wuxuu xaq u siinayaa in aan waddanna hawadiisa lagu soo xad gudbin, taasoo oo uu xaq u siinayo in xadgudubka dhanka hawada uu waddan kastaa iska difaaci karo.

3. Xeerka Article 6 ee Chicago Convention 1944 wuxuu isna dhigayaa in diyaarad waddan laga leeyahay aanay dul mari karin waddan kale ilaa ay ka haysato ogolaansho waddankaas mooyee.

Hadaba, marka aynu yara falanqayno labada xeer ee article 2 iyo article 6 waxaad garan kartaa in aan waddanna lagu qasbi karin in la iska dul maro ogolaansho la’aan, xaqna uu u leeyahay in uu diyaaraddii hawada waddankiisa ku soo gasha ogolaansho la’aan ay noqonayso xadgudub haweed (Violation of Airspace) kana iman karto cawaaqib xumo ka dhalata arrintaas.

Waxaa adduunka soo maray marar ay diyaarado aan ogolaansho ka haysan waddan kale ay galeen hawadooda, taasoo ay ka dhalatay in diyaaradahaa qaarkood dhulka la soo dhigay iyadoo aanay weliba ahayn diyaarado ciidan (Military Aircraft) oo ay ahaayeen kuwa rakaabka qaada, kuwaas oo ay ku naf waayeen dad aad u tiro badan.

Haddii aynu tusaale u soo qaadanno mid ka mid ah diyaaradahaa la soo riday waxaa ka mid ahaa diyaarad ay lahayd shirkadda Korean Airlines flight number KE007 oo ka soo duushay New York 1-dii September 1983 una socotay Seoul ee waddanka Korea iyadoo sii martay Anchorage ee gobolka Alaska ayey si khalad ah u gashay hawada dalkii la odhan jiray USSR, halkaas oo loo diray diyraadaha dagaalka ee loo yaqaan Sokhai SU-15 ka dibna iyagoo toos arkayay inay tahay diyaarad rakaab oo nooceedu yahay Boeing 747 lagu amray inay soo ridaan, halkaas oo dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa oo ahaa 269 qof ay ku geeriyoodeen. Waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay shilkaas Safiirkii Georgia u fadhiyay Maraykanka oo la odhan jiray Larry McDonald.

Maxaa la gudboon Somaliland?
Xukuumadda hadda ee Soomaliland:

Iyadoo cuskanaysa xeerka Article 1 iyo 2 ee Chicago Convention 1944.

Iyadoo tixraacaysa xeerarka Resolution 733 (1992) iyo 954 (1994) ee UN Security Council, ee lagu ansixiyey shirarkii 3039 aad iyo 3447 aad ee Security Council, Ref: S/RES/733 iyo S/RES/954.

Iyadoo ixtiraamaysa heshiisyadii ay la gashay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya (DFS) ee ka dhacay London 2012, UAE 2013, Turkey 2013 iyo 2014 iyo qodobadii ka soo baxay.

Iyadoo ilaalinaysa xeerarka duulimaadyada caalamiga.

Iyadoo ku dhaqmaysa sharciyada caalamiga ah iyo kuwia Chicago Convention 1944.

Inay dacwad shaciya oo waafaqsan heshiiskii Chicago Convention 1944 ee ay xukuumaddii dawladdii Aden Cadde saxiixday 1-dii March 1964-kii wakhtigaas oo ay Somaliland-na ka mid ahayd xukuumaddaas.

Markaa maadaama uu xeerka Article 84 ee Xallinta Khilaafaadka (Dispute and Default) uu dhigayaa in marka hore labada daraf ee khilaafku dhexyaalaa ay wada hadal sameeyaan, haddii ay dhexdooda ka dhamayn waayaanna ay u soo gudbiyaan ICAO, halkaas oo uu Council vote loogu qaadi doonaan si ay u xalliyaan khilaafka, waxa kale oo uu xeerku dhigayaa in labada daraf ee khilaafku ka dhaxeeyaa aanay vote ka ku jiri doonin.

☆ Iyadoo xeerkan shuruudiisa la fulinayo waxay Somaliland qoraal u diraysaa xukuumadda Soomaaliya, kuna wargelinaysaa in iyadoo tixraacaysa xeerkan article 84 ee Chicago Convention 1944 ay miiska wadahadalka ku soo noqdaan (Iyadoo mudadana lagu xaddidayo 3 bilood gudahood).

☆ In haddii ay muddadaas ku iman waayaan miiska wadahadalka loo qoro warqad ah ogeysiin in 45 cisho gudahood dacwad ay Somaliland ugu gudbin doonto Hay’adda ICAO, taas oo keeni karta in hawada (Airspace) Somalia laga dhigi doono mid khilaaf ka jiro (Disputed Airspace).

Haddii ay Soomaaliya miiska wadahadalka ku soo noqoto waxa ay labada waddan ka heshiin karaan qodobadan hoos ku qoran (Waa talo uun):

1. In la sameeyo FIR (Flight Information Region) cusub oo noqda Hargeisa FIR, kaas oo ay wada shaqeyn buuxda sameeyaan Mogadishu FIR iyadoo labaduba ay yihiin Somali Airspace. Taasoo ay Hargeisa FIR uu weliba maamuli karo hawada Sanaa maadaama hadda uu xidhan yahay, Mogadishu FIR-na ay Mumbai FIR wada shaqeyntoodu iyaga ka dhaxeyso.

Haddii la isku afgarto laba FIR waxay culays badan ka qaadi doontaa FIR-ka hadda jira, waxa kale oo ay buuxin doontaa shuruudihii xeerka Article 28 (b) oo ahaa in la sameeyo Air Traffic Centre (ACC) oo ka baxsan Mogadishu kaas oo la wada wareegi kara hawada haddii ay khatar ku timaaddo Mogadishu ACC, si aanay Khalkhal u gelin hannaan socodka hawada sare iyo diyaaradaha isticmaalayaba.

2. In la wada isticmaalo Mogadishu FIR labada dalba laakiin la kala saxiixdo heshiisyo aan la iskaga hor iman karin iyadoo la wadaagayo maamulka hawada.

Qodobkan laftiisu dhib ma laha in Mogadishu FIR la wada isticmaalo waayo adduunyada waxaa ka jira waddamo badan oo FIR la isticmaala waddamo kale sida tusaale ahaan: Djibouti oo isticmaasha Addis Ababa FIR, Mauritania oo isticmaasha Dakar FIR iyo Gabon oo iyaduna isticmaasha Brazzaville FIR iyo qaal kale oo badanba.

Haddii ay qodobada kor ku xusan la isku fahmi waayo ama la isku diido, Somaliland waxay gudbin kartaa dacwadeeda oo u dirayso ICAO Montreal, halkaas oo labada waddan la isugu yeedhi doono laguna eegi doono khilaafkooda. Waxaa go’aan vote ay ICAO Council ku gaadhi doonaa xallinta khilaafka, kana soo saari doona go’aan ku wajahan khilaafka.

Go’aanka ay soo saaraan ICAO Council haddii uu qancin waayo Somaliland waxaa u bannaan in ay racfaan (Appeal) ka qaataan iyagoo tixraacaya xeerka Article 85 ee Chicago Convention 1944. Xeerkani wuxuu u ogolaanayaa darafka aan qancin in loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ee ICJ (Internation Court of Justice). Waxaa labada darafba laga codsan doonaa inay la yimaadaan dhex-dhexaadiyayaal (Arbitrators) ay iyagu doortaan muddo 3 bilood ah. Haddii daraf ka mid ah labada dhinac ee is haya uu la iman waayo dhexdhexaadiye (Arbitrator), waxay ICAO Council u doori doonaan kuwa iyaga u list gareysan, sidaana loogu gudbin doonaa Maxkadda Caalamiga ah.

Marka ay Makamadda Caalamiga ahi qaaddo dacwadda go’aanka ka soo baxa waxay ICAO Council u cuskan doonaan xeerka Article 86 ee Chicago Convention 1944 kaas oo noqon doono go’aan kama danbays ah.

Maxaa xal ah haddii uu qancin waayo Somaliland (worst case scenario):

Inkastoo ay Somaliland haysato dacwad adag (Stong Aviation Dispute Case), iyadoo cuskan doonta xeerarkii laga talaabsaday iyo heshiisyadii ay kala saxiixdeen Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hadana, haddiiba ay dhacdo in go’aanada ka soo bixi karaa noqdaan qaar qancin waaya Somaliland, waxay Somaliland qaadi kartaa talaabooyinkan hoos ku qoran:

1. In ay ku dhawaaqdo xuquuqda iyo xorriyada ay u leedahay hawada ka sarraysa dhulkeeda iyo baddeedaba (Declaration of Airspace Sovereignty) taasoo waafaqsan saddexda xeer ee Articles 1,2,3 ee lahaanshaha hawada (Airspace Sovereignty) ee Chicago Convention 1944. Sidaa daraadeed laga bilaabo markay taariikhdu tahay (taariikh xusan) in laga rabo diyaaradaha isticmaalaya hawada Somaliland ay ogolaansho hawo maris (Overfly permission) ka soo dalbadaan Somaliland Civil Aviation Authority. Isla markaana kharashka hawa maristana ANS (Air Navigation Service Charge) wax ka bedel lagu sameeyo sida hadda ay Soomaaliya ku xisaabiso ee ah lacagta xadidan (Flat rate). Iyadoo loo kala qaadi karo Enroute Fee iyo Oceanic Fee kuwaas oo lagu qiimaynayo habka loo yaqaan Great Circle Distance (GCD) oo lagu xisaabin doono hadba diyaaraddu inta Nautical Mile ee ay hawada dhulka ku beegan ama qaybta badda ay ka isticmaashay iyo miisaanka diyaaradda Maximum Take Off Weight (MTOW). Taasi waxay aad u soo jiidan doontaa diyaaradaha baaxadda yar ka isticmaalaya iyo kuwa miisaanka yar oo lacagtu uga jabnaan doonta ta hadda ay Somalia ka qaaddo.

2. Iyadoo raacaysa xeerka Article 6 ee Chicago Convention 1944, In ciddii fulin wayda ee amarkan ka soo baxay Somaliland Civil Aviation Authority loo arki doono in ay tahay ku xadgudub xaduudda iyo hawada Somaliland (Violation of Airspace), sidaa daraadeed ay Somaliland ka qaadi doonto talaabo waafaqsan difaaca xuduudaheeda.

Maadaama ay hawada sare tahay mid xasaasi ah (Sensitive) oo aan khatar la gelin karin dadka iyo diyaaradaha ku safraya airspace-ka waxay qasab ku noqon doontaa in la sameeyo FIR (Flight Information Region) cusub oo ay yeelato Somaliland ama loo aqoonsado hawada Somaliland waxa loo yaqaan Advisory Area ACC.

Inkastoo aanay sifaha sharci sinnayn hadana waxaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa qadiyadda khilaafka Turkey iyo Cyprus ka dib markii uu Turkigu qabsaday koonfurta Cyprus 20-kii July 1974, waqooyiga gasiiradaas oo aan UN-tu weli u aqoonsan inay ka mid tahay Turkey, hadana maadaama ay tahay marin aad ugu muhiim ah diyaaradaha u kala goosha Europe, USA iyo Africa, waxay Turkigu ka codsadeen in Akara FIR uu ka masuul noqdo hawada qaybta Turkiga ee Cyprus, arrintaas oo ay ICAO diiday maadaama ay tahay dhul xoog lagu qabsadan oo aan UN-ta iyo International Communities-ku aanay aqbalin. Hadana, ilaa maanta waxaa lagu maraa Advisory Area inay tahay, taasoo loogu magac daray airport ku yaalla qaybta Turkiga oo la yidhaa ERCAN (Ercan Advisory Area), habkii lagu mari lahaana ICAO may aqbalin. Sidaa daraadeed waxaa talo bixin ka dhaxaysa dhammaan duuliyeyaasha adduunka oo ay soo saareen Ururka Isutagga Duuliyeyaasha Diyaaradaha Rakaabka IFALPA (International Federation of Air Line Pilots Association) ay ku soo gudbiyeen habraac hawo maris (Overfly Recommendation Practices) kaas oo u dhexeeya labada qaybood ee Nicosia FIR iyo Ankara FIR ee loo yaqaan Ercan Advisory Area, iyagoo u qaybiyey afarta jiho diyaardaha iyo kala dheerayntooda (Aircraft separations) mudada ay dul marayaan woqooyiga Cyprus.

Waxa kale oo suurta gal noqon karta in xayiraad danbe lagu soo rogi karo Somalia Airspace oo dhan taas oo lumin karta dhaqaalihii laga heli jiray dibna loogu celiyo karo gacantii ICAO iyo UNDP, ayna maamuli doonaan gasiiradda Seychelles FIR ama Mumbai FIR maadaama uu muran ka yimid hawada sare ee Soomaliya, ama ay noqoto hawo muran ku jiro (Disputed Airspace) diyaaradahana laga leexiyo inta xal laga gaadhayo, taasina aanay dan u ahayn labada dalba.

Waxaase cad in aanay gaadhi doonin derajadan danbe oo dacwadda ugu horreysa ee ay ICAO Council qaadaan ay ku aqoonsan doonaan qaladaadka sharci ee laga talaabsaday, sidaa awgeedna ay ka soo bixi doonto go’aan raalli geliya Somaliland iyo Soomaaliya labadaba.

WAAD MAHADSAN TIHIIN
WA BILAAHI TOWFIIQ
DHAMAAD
Ahmed M Musa
London