Dhaqanka maxaad u taqaan? (WQ: Xasan Daahir Weedhsame)

DHAQANKA maxaad u taqaan?

“Gabadh ka dhalatay reer hodan ah ayey wiil sabool ah wada sheekaysteen. La iska hel oo la isu qanac, jacayl heerkiisu aad u sarreeyana la isu qaad, dabadeedna guur bay ku heshiiyeen.  Ilayn iyadaa reerkoodu xoolo haystaaye, halkuu wiilku ka dooni lahaa gabadha, ayey u hawl fududaysay oo iyadii oo gabbaatigii iyo yaradkii sidda, guurtidii tolkeedna wadataa reerkii wiilku ka dhashay u soo geed fadhiisatay!!!!!”

Markaad sheekadaa kor ku xusan aad maqasho, Qofkii Soomaaliga ahaayoow, saw maad yar didin?

Waxaa aad u diday, u diiday, dubkaagaana saantu uga kacday ayaa dhaqan la yidhaa.

Dhaqanku waa isu-geynta nolosha maadiga ah, ta ruuxiga ah iyo tan bulsho ahaaneed ee ummadi leedahay, kaas oo soo mara is bedello taariikheed.

Dhaqanku waa wax ka kooban, fikrado, diin, Af, Anshax, agab, caadooyin, fan, farshaxan, sawrac iyo sumado ay wadaagaan bulsho gaar ahi.

Sidan dadka badankiisu u haystaan, Dhaqanku kuma koobna suugaanta, dharka hiddaha aan u lahayn ee aan maalmaha qaar xidhano, weelkii miyiga aan ku isticmaali jirnay iwm. Balse waa wax ka sal-dheer kana dhumuc weyn intaas.

Dhaqanku waa anigoo dhan, waa innagoo dhan. Waa sidaan u fikirno iyo sida falaadkeenuba yahay. waa waxaan ka faano iyo waxaan ku faano. Waa Waxaan ceebta u aqaan iyo waxaan cayda u aqaan. Waa waxaan u dagaalamo iyo waxaan ka dagaalamo. Waa xadhiga i haya iyo xayndaabka aan ku jiro ee ay adag tahay inan ka baxo.

Dhaqanku waa waxa ii tilmaama,

1. Waxaan sheegi karo

2. Ciddaan u sheegi karo

3. Halkaan ku sheegi karo

4. Habkaan u sheegi karo.

Dhaqanku wuxu isla bedelaa kolba ummada lihi sida ay tahay. Wax ceeb ahaan jiray ayaa caadi noqda, tusaale ahaan, Ragga Soomaalidu mar aanay caloosha cuni jirin ciirtana cabi jirin oo ay ceeb ahayd baa jirtay sida odhaahdani sheegayso.

“Rag baa ciir dhamay

Caloolana cunay

Caagganoow ba’ay”

Imisa wax oo is bedelay ayaad garanaysaa? Fadlan bal nala wadaag. Mahadsanid.