Dhismeyaal Qurux Badan Oo Roobkii Soo Daayey (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Hargaysa iyo guud ahaan Soomaalilaan waxa xawli ku socda dhismeyaasha ay wadaan shirkadaha dhismaha ee faraha badan. Waxaana ka soo baxay ceeb iyo caado aan hore loo arki jirin. Ugu yaraan saddex dhisme ayaan goob joog u ahaa oo dhammaantood roobkii xagga sare ka soo daayey. Hadda quruxda dhismeyaashii waad yaabaysa, haddana way soo daroorimeeyeen.

= Masaajid aan inta badan salaadaha ku tukado ayaa salaad casar markii aanu ka baxnay roob nagu hooray. Roobka oo ahaa mahiigaan ayaa markuu ku dhawaad 40 mirirdh da’ayey waxa meel ku beegan safka hore ee masaajidka ka soo da’ay biyo faraha badan oo roogii masaajidka qooyey. Shaqaalihii masaajidka iyo dadkii salaadda markaa uun ka baxay ayaa gurmaday oo baaldiyo iyo weel kale la soo cararay si aanay biyuhu rooga u wada gaadhin. Imaamkii masaajidka ayaan weydiiyey bal inay markii ugu horraysay tahay iyo in kale. wuxuu ii sheegay in masaajidku laba qaybood yahay oo meesha biyaha uu ka soo daynayaa ay tahay meesha ay iska galaan labada qaybood. Markii ay shirkaddii dhistay  wargeliyeenna ay xabbag xagga sare kaga shubeen, hasayeeshee cadceedu xabbagta waxyeelo u geysto. Muddo marka la joogana ay biyuhu fadhadhaq ka soo yidhaahaan. Ugu dambeyntii xal kale ma hayso shirkadu ayuu ii raaciyey. Masaajidkani wuxuu ka kooban yahay laba dabaq.

= Aniga oo booqday dad ehelka ah ayaan ku tukaday masaajid u dhow waddada 150-ka. Waana salaad makhrib, waxoogaa markaanu fadhinayey ayuu roob bilaabmay. Meel ku beegan qaybta dhexe ee masaajidka ayaa hal mar la isla oogsaday, mise waaba biyo xagga sare ka soo da’aya iyo dadkii oo kala yaacay. Waan tegay oo masuuliyiintii masaajidka ayaa baaldiyo iyo weel la gucleynaya. Dadkii ayaa bilaabay dood ku saabsan siday wax u dhistay shirkadii masuulka ka ahayd. Magaca shirkadii dhistay wuxuu ku yaalla boodh u dhow masaajidka, waxba kuma jabnayn inta boodhka la sawir oo la soo bandhigo wixii meesha ka dhacay. Masuuliyiintii masaajidku waxa ay sheegeen inay tahay markii labaad ee ay arkaan biyahan xagga sare ka soo da’aya. Shirkadiinna aanay wax xal ah haynin. Masaajidku waa laba dabaq.

= Dhisme shan dabaq ah oo uu ku yaallo dhakhtar weyni ayaa isna dhawaan anaga oo joogna hal ay biyo xagga sare ka soo daateen oo goobtii lagu kala yaacay, iyada oo maca bukaankii laga daadgureeyey, sidii xaalad deg deg ah oo kale. quruxda dhismahaasi waad yaabaysaa iyo siduu biyihii roobka u soo daayey, waxaanay markhaati ka tahay tayo xumada shirkadaha dhismaha qaarkood. Masuulkii ugu sarreeyey goobta caafimaadka ayaa xafiiskiisii ka soo cararay markii uu gaadhay warka biyaha soo galay cisbitaalka. Wuxuu sawirro kala duwan iyo muuqaal ka qaatay ugu yaraan saddex meelood oo biyuhu fadhadhaqda ka hayaan. Isla goobtii ayuu dareenkiisii wejigu isku beddelay. Si deg dega ah ayuu nooga baxay isaga oo u muuqda inuu tallaabo sharci ah qaadi doono. Afar cisho ka dib ninkii wuxuu dacwad maxkamada kagga furay shirkaddii dhistay cisbitaalka isaga oo keenay heshiisyadii ay wada galeen iyo caddeymihii inuu dhismuhu biyaha roobka xagga sare ka soo daayey. Ma se hubo waxa ay dacwadii ku dambaysay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.  

Calicoomay@gmail.com