Digniin: Ha ku kadsoomin dhawaaqa dawada “Dexamethasone ” baa Covid-19 dawaysa (Dr. Ahmed Buhane)

Waxaynu shalay ilaa doraad ka arkaynay qoraalo ay soo dhigeen Jaraa’idka waaweyn ee Ingriiska iyo kuwo kale oo la soo dhigay baraha bulshada, waxay soo qoreen in xanuunkii Covid 19 loo helay dawo taasoo badbaadisay trio aad u badan oo dad ah lana xanuunsanaa durigan covid 19, dawadaa waxaa lagu sheegay Dexamethasone oo ka mid ah nooca dawooyinka ee steroids-ka.

Waxaa hadaba igu kalifay inaan maqaalkan yar degdeg u qoro waa dawadan oo aad u taala dalkeena lagana heli karo farmasii kasta, welibana qiimaheedu jaban Yahay.

Hadii aan yara qeexno dawadani waxa ay ka mid tahay nooca dawooyinka steroids-ka la yidhaahdo oo asal ahaan ah Hormone ay soo daayaan qanjidho jidhkeena ku yaala sida qanjidhka dul saaran kelyaha lana yidhaahdo Suprarenal Gland waxaa kaloo soo daaya Xiniinyaha Ragga.

Hadaba steroids –ka marka suuqa dawa ahaan loo keenayo waxaa la keenaa 3 nooc oo kala ah

 

1. Anabolic Androgenic Steroids sida Testosterone oo loo isticmalo dhisida jirka, Muruqyada, Timo bixinta, waxa kaloo loo isticmaalaa quweynta awooda jinsiga ee ragga.

2. Glucocorticoids sida Cortisone, Prednisone, Dexamethasone oo loo isticmaalo cudurada sida xiiqda (Neefta), Bronchitis-ka, Jilba xanuunka (Artrithis), waxaa kaloo loo isticmalaa cudurada ka dhasha Allergy-ga ama xasaasiyadda iyo qaybo ka mid ah cudurada Maqaarka.

3. Mineralocorticoids sida vasopressin oo loo isticmaalo isku miisaamida biyaha iyo cusbada ku jira jidhkeena ku jira (sida kontroolka Kaadida)

 

Hadaba Dawooyinkan waxaa dawo ahaan loo istcmaalay badhtamihii sodomeeyadii qarnigii tegay (~1930), waxaase aad loo horumariyay 1954-kii oo Steroid revolution loo yaqaano, dabcan waa lagu faa’iiday oo cilmiga Caafimaadka iyo cilmiga dawaduba horumar wayn bay gaadheen.

Nasiib daro waxaa muddo dabadeed soo if baxay in isticmaalka aan cilmiyaysnayn ee dawooyinkan Stroids ku uu dadkii ku soo saaray dhibatooyin caafimaad oo badan sida

 

1. Dhiig kar degdeg ah (Secondary Hypertension)

2. Macaanka bukaanka oo kor ugu kaca si xad dhaaf ah (Diabetes)

3. Jidhka oo iska difaaci waaya cudurada (Immunosuppression)

4. Soo saarista Mannida ragga oo aad u yaraata

5. Ragga oo yeesha Naasaha dumarka oo kale (Gynecomastia)

6. Hamada ragga oo yaraata (decreased libido)

7. Qanjidhka ragga ee prostate ka oo balaadha (BPH)

8. Dhikilaha ama xiniinyaha ragga oo gudha (Testicular Atrophy)

9. Beerka oo kansar ka soo baxo (Liver Tumors)

10. Dufanka jidhka oo kor u kaca (Cholesterol)

11. Timo oo ka soo baxa meelo badan (Dumarka)

12. Bidaar degdeg ah oo ragga iyo dumarkuba yeeshaan

13. Finan wajiga iyo shafka ka soo baxa (Acne)

14. Barar guud oo jidhka ah

15. Waali (Mania)

16. Cabsi iyo shaki badan (Paranoid)

17. Hurdada oo yaraata

18. Qalbi jab iyo walwal (Depression)

19. Walaac iyo murugo (Anxiety)

20. Xanaaq iyo gardaraysi (Aggression)

21. Cudurka kushinka oo qofku qaado (Cushing syndrome)

 

Sidaa awgeed culimada caafimaadku waxay isku raaceen dawooyinkaa in dhakhtiirta oo kaliyi ay qoraan, dhakhaatiirtaasi oo raacaya xeerarka caafimaad ee dawooyinkaa steroids-ka lamana ogola in dadku si caadi ah isaga iibsadaan una cunaan sida ay donaan.

Dawadan Dexamethasone ma ha mid disha Viruska ama Bakteriyada iyo wixii kale Germs ah, waxaase loo isticmaalaa marka habdhiska neefsahsda siiba sambabadu ay barar ama qoyaan badan yeeshaan, ama uu cidhiidhyoomo sambabku, hadaba ha ahaado cudurka keenaya Covid 19 iyo mid kaleba ha ahaadee.

Hadaba Anagu ka Gudi ahaan dhakhaatiirta la tacaasha xanuunkan Covid 19 ee dalkeena (Case Management Committee) Waxaan leenahay Buug anagu aan daabacanay kaasoo waafaqsan sida aduunku u daweeyo xanuunkan, dhakhatiirteena ayaase samaysatay, hadaba Manual Guideline-kaa waxaa noogu jira bukaanka inaan ku isticmaalno steroid sida prednisone, dexamethasone, hydrocortisone, waase marka cidda bukaankaa gacanta ku haysaa u garato uun.

Walaalayaal waxaan ka qayb galay daawaynta bukaanada qaaday duraygan Covid 19 inta bukaan een duljoogsaday mid aan la siin dawooyinkaa steroids ka ma garanayo, wax tarna way u yeesheen. Laakiin waxaan ku siinaynay si taxadar leh oo ay tahay inaad bukaankii wax tarto, kana ilaaliso dhibaatooyinka ku laaban isticmaalka dawooyinkan ee ay ugu daran yihiin Macaanka iyo Dhiigkarka.

Waxaa intaa dheer marka bukaanka xaaladiisu culustahay waxaa kuu qarsoomi kara in difaacii jidhku hoos u dhaco oo bukaankaagii cuduro kale oo cusubi kaaga dhacaan.

Sidaa awgeed anigoo Walaalkiin ah, aqoonyahay wax u bartay dadkiisa ah, weliba anigoo matalaya Walaalahayga bahda Caafimaadka ee habeen iyo maalin idiin ah heeganka, Waxaan codsanaynaa inaan lagu dagmin la iskana raacin, qoraalada la soo dhigayo Baraha bulshada, ama goobaha kale ee wax lagu qoro.

Fadlan walaal goob kasta ood joogto Gobol iyo Degmo, waxaan hubaa in laga helayo Dhakhtaro, Nurse, iyo hawlwadeeno caafimaad oo kugu hagi kara Dariiqa aad ku caafimaadayso, sidaa awgeed la tasho, una bandhigo cilada aad dareemayso, iyagaana kuu tilmaaami noca dawada ee aad u baahantahay.

Ugu dambayn ka talo qaado dhakhtarkaaga sanadaha badan wax u baranayay inuu ka shaqeeyo cafimaadkaaga iyo caafimaadkayga, ha se barbar dhigin qoraal ama talo qof aan lahayn khibrad caafimaad soo qoray.

Dr. Ahmed Buhane

(MD. MPH. MGE)