Xusuustayda Maxamed Baashe!
Maxamed Baashe Xaaji Xasan in kasta oo uu ahaa qoraa caan ah oo aan jeclaa akhriska maqaaladiisa iyo buugtiisa, gaar ahaan buugga Hal-Ka-Haleel ee uu Hadraawi ka qoray, siduu ii sheegayna ahaa buuggii gardaadiyey isaga, waxa aanu is barannay oo si wanaagsan isku dhexgalnay daabacaaddii iyo qabanqaabadii xafladdii bandhigga buuggiisii (Afka Hooyo Waa Hodan) oo shirkadda Asal Printing Press oo aan xilligaa ka shaqaynayey daabacday.
Maxamed Baashe wuxuu ahaa shakhsi dabci wanaagsan, furfuran, kaftan badan oo dad la dhaqan leh. Inta aad wada joogtaan waxa aad dareemaysay in aad wada joogtaan aqoonyahan aragti xambaarsan.
Maxamed Baashe wuxuu lahaa ku dhac, aragti kasta oo uu aaminsanyahay ka badheedha. Doorashadii 2017kii dadka badheedhihiisa sheegta ayuu ahaa. Intii u dambaysay wuxuu bilaabay dood gundhiggeedu ahaa (Markale Midnimo) in kasta oo aragtidiisa dad badan ka horyimaaddeen haddana waxa ay ahayd aragti dad soo dhaweeyeen oo saamayn yeelatay.
Maxamed wuxuu ahaa aqoonyahan dunida ka tagay isaga oo ku soo kordhiyey buug dhaxalgal ah, mar kasta oo uu hadlayo macallin afsoomaaliga laga baranayo ayuu ahaa.
Maxamed waxa laga baran karaa qaabqoraalka wanaagsan, dhiiranaanta iyo ku dhaca. Maanta ayuu dunida ka tagay Ilaahay ha janneeyo oo marti la jecelyahay haka dhigo.