Gorfaynta Gaabiska Golaha Deegaanka Hargeysa Toddoba Gu’ oo ay xilka hayeen Q.2aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Dab-demiska: Qaraabiilka, Qaad-ku-eriga, Qoysaska La Waraabiyo, Derejo-la’aanta iyo Suldaanka Ciidanka!

Naarnaar 2: Gaabiska Golaha Degaanka Hargeysa: Toddoba Gu’ Oo Ay Xilka Hayeen

Tooshka toosinta waxa uu galay dab-demiska oo ah waxqabadka ugu weyn ee ay DHH sheegteen. Waa halkii la yidhi “waxa ay sabab tahay in ay bisaduhu ku noolaadaan nolol ka fiican ta aadamaha”. Waa ereyga inna soo jiitay ee qalinka godlay. Ma garanayo waxa keenay in biyaha dab-demiska loo shubo guryaha madaxda qaranka.

“Haddii ay biyuhu ku yaraadaan guriga Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa u dhaamiya dab-demiska” ayaa ka mid ah xogaha rasmiga ee waraabinta booyadaha dabdemiska. Meelaha ay biyaha u dhaamiyaan booyadaha dabdemisku waxa ka mid ah guryaha Cali Maxamed Warancadde, Wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Duqa Caasimadda Hargeysa, Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa, Guriga Agaasimaha Fulinta Dabdemiska, Aqalka Suldaan Axmed Daahir iyo xarunta Dawladda Hoose ee Hargeysa. Waa meelaha illaa hadda la ii cayimay.

Maalin ayay biyo geeyeen Guriga Sarreeye Guuto Axmed Sawaaxili Taliyaha Ciidanka Dabdemiska Somaliland. Waxa uu yidhi “Iga joojiya, waa booli”. Lacagtii biyaha waxa uu geeyay Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Waa kaas farqiga mudanaha xalaal-cunaha ah iyo ka kale. Dib uguma ay habayaamin baradaas.

Kastammada cashuuraha lagu qaado kuwa ugu waaweyn waxa ka mid ah Kalabaydh oo ka tirsan Gobolka Gebiley, waxyaabaha ugu weyn ee lagu cashuuro waxa ka mid ah qaadka. Dakhliga halkaas ka soo baxa ayaa lagu bixiyaa mushaharka askarta, bareyaasha, shaqaalaha dawladda iyo xitaa culimada ka tirsan wasaaradaha diinta/awqaafta iyo warfaafinta.

Somaliland kuma arkin meel shaqaalaha dawladda lagaga reebayo inay qayilaan, haddii sidaas la yidhaahdana waxa ay noqonaysaa “bakhtiga ma cuno, fuudkiisa ayaan cabbayaa”. Ma askari loo diray shaqo habeennimo ayaa lagu eryayaa in uu qaad cunay, haddaa ma xanjo ayuu ku soo jeedi lahaa? Qofka ma shaqada iyo xilliga shaqada ayaa lagula xisaabtamayaa mise qaad, sigaar iwm?. Waxa laga yaabaa in ka dadka qaadka ku eryaya qudhiisu uu labada daanba ku cuno! Ma ciidan uu aasaaskiisa sheegtay Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa barjaha/qarxiska/biyo-raaciska laga reebi karaa? Sharciga madaxda qaban waayay, ma mijaha ayuu qabanayaa!

2dii Sebtmeber 2019ka ayay Ciidanka Dabdemisku eryeen lix ka mid ah ciidanka dab-demiska, sida ay xubnahaasi sheegeen waxa ay ka cabanayaan awoodda dheeraadka ah ee Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaaddir Xaashi.

Warqadda lagu eryay lixdaas qof oo warbaahinta soo gaadhay ayaa ay inta ugu muhiimsani u dhignayd sidan:

Haddaba guddida asluubta iyo anshax marinta Ciidanka dab-demiska qaranka oo u kuur galaya habsami socodka hawlaha shaqo iyo heeganka xarumaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka hawl gal qarsoodiya oo ay ku tageen Degmada Axmed Macallin Haaruun 27-29/8/2019 ayaa waxey ku soo xaqiijiyeen xubnahan oo meelo kala duwan si dhuumasho ah jaad iyo sigaar uugu cunayey xili ay ku guda jireen shaqada habeennimo ee heeganka xaruntaasi.

Xubnahan la rusqeeyay ayaa loo cuskaday Xeer hoosaadka Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Qodobkiisa 19 aad Farqadiisa 1aad, Qodobkaas oo liddi ku ah falka ay ku kaceen isla markaana odhanaya “Lama Oggola isticmaalka Balwadaha kala duwan cunitaankooda iyo Qaadashoodaba, Xubintii lagu arko isagoo Cunaya, Cabbaya , Qiijinaya ama sita waa Eri Toosa. “

Magacyada xubnaha shaqada laga ruqsadeeyey:- ]

1.Amiin Ibraahin Cabdillaahi Taliye Xigeenkii xarunta Ciidanka Dab-demiska ee xarunta Axmed M/Haaruun.

2.Cawil Xaaji Ismaaciil Muuse Xubin

3.Cabdi Jirde Jaamac – Xubin

4.Mustafe Saleebaan Jaamac – Xubin

5.Cabdiwaaxid Faysal Axmed – Xubin

6.Maxamed Maxamuud Jaaquur – Xubin

Waxa aan is-weydiinayaa dadka la eryay ma ciidan baa mise waa shacab, waayo? Ciidanka Somaliland waxa ay leeyihiin derejo kala sarraysa, dable, alifle, laba alifle, xadhigle, xiddigle, illaa Sarreeye Gaas. Ma muuqato derejada ay lixda xubnood lahaayeen, waxaana ku jira taliye ku-xigeenkii xarunta macallin Haaruun. Kama madhna in cusub loo dhabar-taabto dadka la caydhinayo.

Masuulka ay shaqaaluhu ka cabanayaan waxa magacaabay Wasiir Cali Maxamed Warrancadde oo ay isku jufo yihiin, waxaanu la xidid yahay Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacadde). Waxa xarunta ka shaqaysa walaashii Nimco Cumar Xaashi oo xafiiska caafimaadka ka tirsan. Laba wiil oo gacalkiisa/xididkiisa ah baa jooga kuwaas oo kala ah Cabdibaasid Cabdi Cismaan Timacadde iyo Cabdikariin Cabdi Cismaan Timacadde. Waxa ay mushaharka ka qaataan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dawladda Hoose.

Halka ay dabdemiska qaarkood qaataan 900, 000 (sagaal boqol kun oo shilingka Somailand ah) una dhiganta boqol doollar iyo waxyar, waxa ay xertaasi qaadataa 4,000,0000 (afar milyan oo shilinka Somaliland $460 oo arrimaha gudaha ah iyo 1,400,000 milyan afar boqol oo kun oo Somaliland oo isku noqonaya ku dhawaad $160, waa wadar dhan $600.

Bal ka warrama dadka isku saacadaha shaqaynaya ee intaas kala qaadanaya?. Agaasime Cabdiqaaddir Maxamuud Xaashi qudhiisu waxa uu qaataa mushahar labada dhinac ah.. Xogaha isoo gaadhay waxa ka mid ah inuu mushaharka dab-demiska ee dhinaca DHH ka jari jiray qofkiiba 100, 000, waxaa se taas hal mar ka diiday xoghayihii fulinta DHH ee la caydhiyay Cali Xasan Cawaale. Shirkadaha qashinka ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge wuu ku lug leeyahay Agaasimaha, laanta amniga ee DHH ayuu sidoo kale ka tirsan yahay, weliba uu guddoon ka yahay.

Maalmihii ololohu socday ayuu nin ka xanaaqsani iigu sheegay in uu qaato wax gaadhaya kumannaan dollar. Waxa dharka ciidanka dab-demiska qandaraas ku haysta laba wiil oo ay kala dhaleen Xildhibaan Timacadde iyo Cali Maxamed Warancadde..

Suldaan Axmed Daahir ayaa isna ka tirsan dabdemiska, mushahar ayuu ka qaataa, agabka ciidanka (GF) ayuu haystaa. Waa ragga cabba biyaha bilaashka ah, ee leh awoodda cid lagu qoro, qaarna lagu caydhiyo. Waayo, waxa uu abti u yahay Agaasimaha Fulinta Dab-demiska. Iyada oo waxaas oo foolxumo ahi jiraan, kama madhna in ay dabdemisku shaqeeyaan xilliyo adag, dadkana ay kala dabbaashaan xaalado adag. Waa se xilka iyo masuuliyadda ay u dhisan yihiin. Inay toosiyaan wixii tuur leh ayaa yoolku yahay.