Siilaanyo wuxuu ahaa siyaasi feejignaa! (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Miisaska wax laggu qorsheeyo , khubaraddu wuxuun bay isu geegaysaaye , Waaggii doorashaddii 2003 kulmiye wuxuu isu geeyey xisaab uu isku fadhiisiyey ,taasoo nuxurkeedu ahaa in ay ku guulaystaan doorashadda.

Doorashadii markii la galay wax badani siday u dhigeen bay u dhaceen , marka lagga rabo hal meel.

Codkii Xisbiga Kulmiye ugu tala galay in ย uu ku mooso codka Boorame oo ahaa Codka Hargaysa ayaa wax badani iska badaleen.

Codkii ย miyiga Hargayssa wuu is goostay , codkii magaaladuna wuu isku dhadhadhawaaday , sidaa darteed , codkii Burco ee kulmiye guusha u haystay iyo codkii boorame ayaa isku soo fakaday , xisaabtani waxay soo fadhiisatay zero zero , natiijadani waxay noqotay ย in laggu kala baxo 80 cod , guul daradii waagaas kulmiye soo gaadhayna halkaasay ka timi.

lagga soo bilaabo waagaas 2003 ilaa 2017 oo ahayd markii uu xilka ka degey , Siilaanyo wuxuu xidhiidh wanaagsan la yeeshey deegaanada Bariga Hargaysa , waxaana xusuus mudan.

Ololihii uu ku jirey mudada dheer ee kaambaynka wuxuu kusoo afjray 23-june 2010 , safar uu ย  isugu maray ย saba-wanaag iyo cadaadley oo uu habeenkaa u hoyday , 26-june foodkii ayaa dhacay.

Kuraasidda uu siiyey Siilaanyo barriga Hargaysi ย waxay ahaayeen kuwo badan , waxanaay taxnaayeen ย Heer degmo ilaa ilaa heer wasiir.

Si kastaba ha ahaatee , siilaanyo wuxuu ahaa siyaasi feejigan oo meesha uu wax ka filayo iyo meesha uu is leeyahay waxbaa kaaga imanayaba aan ka jeesan oo mar walba indhaha ku hayn jirey.