waxa Shirguddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada hor-tagay Qeybtii 2-aad ee Golaha Wasiirada

WAR SAXAAFADEED.

Maanta oo ay taariikh-du tahay 7.1.2025 waxa Shirguddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada hor-tagay Qeybtii 2-aad ee Golaha Wasiirada oo ka koobaan 29 qof (9 Wasiir, 3 Wasiiru Dawle iyo 17 Wasiir ku Xigeen) oo ka tirsan Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Ujeedada ay 29-ka Wasiir u hor tageen Golaha Wakiillada ayaa aheyd in Goluhu uu ka guto wajibaadkooda sharci ee la xidhiidha Ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada ee magacaabo Madaxweynuhu, sida ku cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

9 Wasiir ayaa maanta waxay Golaha ka hor jeediyeen hadalo kooban oo la xidhiidha arimaha mudnaanta u leh harumarinta ummadda iyo dalka JSL. Halka Wasiiru Dawlayaasha iyo Wasiir ku Xigeenadu aanay Golaha hadallo ka hor jeedinin.

9-ka Wasiir waxay mid mid Golaha Wakiillada hortiisa ka sheegeen, isla markaana ay ka xog warameen qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xidhiidha Wasaaradaha uu Madaxweynuhu u igmadey.

Hadalada Wasiiradu waxay salka ku hayeen wax qabad-yada looga fadhiyo Xukuumadda kuwaasoo la xidhiidha Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-3 iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadiisa WADAJIR iyo WAX-QABAD.

Intaas ka dib, Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Gole weynaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah lagu ansixiyo Wasiirada, Wasiiru Dawlayaasha iyo Wasiir ku Xigeenada taas oo uu Golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 29-ka xubnood ee maanta hor yimid Golaha Wakiillada.

Waxa xusid mudan in Golaha Wakiilladu ay shalay (06.01.2025) cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19-kii Wasiir ee hor tagay Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamerd Cabdilaahi waxa uu mar kale Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada si mug leh ugaga mahad naqayaa sida kalsoonida leh ee ay Golaha Wakiiladu u ansixiyeen dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirrada ee hor tagay Golaha.

Madaxweynuhu wuxuu dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirrada ee la ansixiyey kula dardaarmay in ay Qaranka iyo Ummadda Somaliland ugu adeegaan Daacadnimo, Caddaalad, Eex la’aan iyo Hufnaan.

ALLAA MAHAD LEH,

 

Bandhige@gmail.com