Tabashada laga qabo hannaanka shhqaalaynta ee ciidanka dab-demisku, sida ay u qorsheeyaan ama ugu tagri-falaan dhulka la siiyo iyo gacmaha ku dhex jiraa waa ay badan yihiin, qormo kale ayaynu ku eegi doonnaa, wanaan ururinayaa xogahaas. Maqaalkani waxa uu qiimaynayaa damiirka ragga loo dhaariyay xilka caasimadda Hargeysa.
Waxa ay inta badan wax ku qabtaan canaanta iyo la-xisaabtanka xukuumadda dhexe. Inta ay is-diraan waxa ka badan inta la diro. Haddii cidda codsiga wadataa aanay haysan garab adag oo guulguula Golaha Deegaanka, dhegaha ayaa laga furaysanayaa. Qofkii buur ku tiirsanna waa loo ruxmayaa loo raxlaynayaa. Taasi waxa ay duudsi ku tahay danyarta iyo inta la dala’sado.
Tusaale ahaan, 6dii Feberweri 2019ka ayaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland booqday Seyladda xoolaha ee Hargeysa. Waxa la hadlay Odayaashii Seyladda, kuwaas oo tebiyay baahiyaha la daawanayo, lana buuxin kari lahaa ee ka jiraa rug-ganacsiyeedka weyn ee laga guro cashuiurta kala geddisan.
“Taangiyadaasi waa been-abuur (foojari)” ayay yidhaahdeen. Gu’yaal ayaan arki jiray taangiyo muunad ah oo dhex yaalla Seyladda Hargeysa, wax biyo ah laguma shubo, xooluhuna kama cabbaan. Kulaylka iyo milicda awgeed ayay xooluhu beer-caddaadaan. Waxa booqashadaas kaddib la biyeeyay taangiyada biyaha. Guurtida Seyladdu waxa ay ka cabatay hadh la’aan iyo albaabbada burburka ah. Weli sidii ayaa baylahdi u jirtaa. Maalin aan tegay Seyladda waxa aan arkay taangiyadii biyaha oo haawanaya, waana ay madhnaayeen.
In biniyo laga xantoobiyo mooyaane, waxba laguma celiyo. Seyladda Hargeysa oo kulmisa kumannaan iyo kumannaan qof malaha musqulo dadweynuhu galaan, lagama helo adeeg caafimaad oo xoolaha lagu baxnaaniyo, dawada xoolaha iyo daryeel kale midna. Lama kala sooco gawaadhida iyo xoolaha oo ka dida guuxa, hoonka iyo ramramta gaadiidka. Waa la is dhex qaadayaa.
Isla maalintaas waxa uu madaxweynuhu faray in la dhiso waddooyinka Seyladda-Maxamed Mooge iyo Jigjigayar oo labaduba burbursanaa, waxaanu isla dharaartaa furayay Dugsiga Tababarka Macallimiinta. Laba waddaba waxa ay ahaayeen kuwo ay shacabku ku dhibban yihiin maritaankooda. Muddo ayaa laga dhega-adaygayay, waxaanay taasi sababtay inay shaqo-joojin ku dhawaaqaan gaadiidka dadweynaha ee Maxamed Mooge u baxaa. Carigsiga golaha degaanku waxa uu dhaliyay in ay maayarnimo sheegtaan odayaal reer Hargeysa ah, kuwaas oo iyagana xabsiga lagu guray.
Bulsho ay ka mid yihiin culimada degmada Axmed-Dhagax oo bilaabay inay iskood u dhisaan waddooyinka sannadkii 2018ka, waxa ay madaxda dawladda hoose ku tilmaameen niman xidhiidh la leh ururro xagjir ah, waxaanay laamaha amniga ka codsadeen inay dabagal ku sameeyay raggaas is-xilqaamay. Qof kasta oo qaba aragti dhaliil ku ah DHH waxa ay u aqoonsadaan argaggixiso, sharwade iyo fallaago. Meel weerarkaas qaawan lagaga noqday ma ogi.
Maalin dhawayd ayaa ay dawladda hoose dhul dugsi laga dhiso siisay Wasaaradda Waxbarashada, waxaana loo dhisayay dad barekacayaal ah oo laga raray Birjeex lana dejiyay Koonfurta Hargeysa. Markii la dhagax dhigay goobtii, ayay dad shacab ahi soo bandhigeen lahaanshahdooda sharci. Meeshii inta dhagax la dhigay ayay shaqadina joogsatay.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku canaanatay Cabdikariin Xinnif in uu dayacay waxbarashada dadka barakacayaasha ah, waxaanu Guddoomiyaha Haayadda Barekacayaasha iyo Qaxoontigu dacwad gaadhsiiyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynuhu wuxuu Maayarka Hargeysa ku canaantay gaabiskiisa. Maayarkii oo ordaya ayaa wasaaradda waxbarashada ku wareejiyay baloog ku xiga saldhigga xaafadda loo raray barokacayaasha. Imaka dugisgi wuxuu ka socdaa meel aan ahayn meeshii la dhagax dhigay.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro) ayaa hore u sheegay in uu la hadlay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa Wasiirka Madaxtooyada, waxaanu ka codsaday in dawladdu dhisto waddo Hargeysa. Xirsi waxa uu yidhi “Dawladda hoose ayaa qaabbilsan”. Sheekh Aadan ayaa yidhi “Adiga ayaa qasriga jooga, si uun jidkaas ugu arrimi”. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu wacay Madaxda Golaha Deeegaanka Hargeysa. Halkii ayay ku qaadeen xilkii waddada, waana la dhisay.
10kii Mey 2019ka oo aanu u baxaynnay aaska Marxuun Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, oo ka dhacayay deegaanka Too nee Koonfurta Hargeysa ayaanu aragnay dawladda hoose oo buuxinaysa godadkii waddada Sallaxley. Waxa ay iska dhaadhicinayeen Madaxweynaha oo aaska imanayay. Sheekh Cismaan Cali Xuseen ayaa yidhi “Madaxweyne qoladii DHH waxa ay bilaabeen in hogagga waddada buuxiyaan, noogu adkee inay shaqada sii wadaan”.
2dii Sebtember 2019ka, 11:00kii habeennimo ayaanu marnay jidka u dhexeeya Star iyo Ambassador, roob ayaa da’ay jidku se ma xayirnayn. Waxa aanu aragnay subaxnimadii dambe in dawladda hoose gelisay cagaf, shidaal iyo shaqaale iyada oo laga dhigayo in daadadku gooyeen. Shaw waxa maalintaas oo ahayd 3dii Sebtember 2019ka Jamhuuriyadda Jabuuti u dhoofayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga ayuun baa loo xaadhxaadhay hilinkaas.
In adeegga dadweynaha ee waajibka ah laga dhigtay wax lagu qanciyo madaxda qaranka, waxa tusaale wanaagsan u ah dhismihii degdegga ahaa ee lagu sameeyay waddada guriga uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka deggan yahay magaalada Hargeysa. Isaga oo aan xilkaba la wareegin ayaa dhagdhagaati laga dhigay.
Waxa se dayacan ta hormarta fooqa Muuse Biixi Cabdi ee Koonfur-Galbeed ka xigta Maansoor, kuna soo dhacda waddada u baxda gobollada Galbeed. Haddii madaxweynuhu fooqaas deggan yahay, shaw judhaba lama dayac-tireen..
La soco qormada 4aad haddii Alle idmo.