Iyadoo nool ayaan aasi gaadhay! (WQ: Khadar Badeed)

AKHYAAREEY Nabad iyo Naxriis Eebbe

Waa qarnigii tagay 1998kii , waxa aan ahaa macallin ay u cusubtahay shaqada macallin-nimadu , waan xiisaynayay waanaan ku faraxsanaa aqooni meel kasta hay dhigtee, dabyaaqadii 1996 ayaan reer cusub yagleelay (halkan waxba da’da haka qiyaasina) badhtamihii 1997 ayuu Allaha deeqsiga ahi iigu deeqay ilmihii koobaad oo gabadh ah, maalin aanan weligay illoobayn oo ku tirsan sannadkaa 1998 ayaan xilli duhur ah ka soo rawaxay goobtii aqoonta ee aan macallinka kaga magacawnaa, haddii aan yar nastay oo aan qaddar kooban guriga joogayna gacaladii ayaa igu war gelisay in ay gabadhii yarayd xanuunsanayso (jirrantahay), waan sahashaday oo maba aan sii shu’aysan , hal cabbaara kaddibna waabaan iska seexday, laakiin hooyo waa hooyo uun’e iyadii ma ay seexan, markii aan salaaddii casar u toosay ayay haddana mar labaad xaajiyadi ii sheegtay in jirradii ay gabadhii kusii kordhay. Waxa aanu isla qaadannay in salaadda casar kaddib aanu dhakhtar gaynno, casarkii waxa aan ku tukaday masjid aan iga fogayn waxa uu qaddarku isugu kaaya keenay wiil aanu walaalo nahay ( Axmed M Abiib ) oo aannaan ballansanayn, si aan ku talogal ahayn ayuu iisoo raacay markii aanu gurigii nimi ee uu ogaaday in ay inantu xanuusanayso waxa uu goostay inuu nala qaado (waagaa gawaadhidu way innagu yarayd, halka aan deggenahayna suuqa aad ugama fogayn , waa in aanu lugayno inantana iska sii nasinno, oo midkaayaba mar qaado) .

Intii aannu sii soconnay ayay saacaddu shantii gaadhay. Waxa aannu gaadhnay Pharmacy uu fadhiisto dhakhtar la ii ammaanay oo si wayn layga dhaadhiciyay, in yar aayaanu fadhinay kaddibna waxa uu noo sheegay wiilkii dhakhtarka noo dhexeeyay in ay gaadhay markii aanu Dr-ka arki lahayn (inanku waa XXXXX oo aanu gadaal iska barannay , waa nin akhyaar ah, gob ah, oo aad u dhawrsan dabcigiisuna heersare yahay ), dhakhtarkii ayaannu u galnay isna sidii caadadu ahayd inantii ayuu naga waraystay kaddibna waanu u sheegnay xanuunka aanu ku aragnay, intuu soo kacay ayuu inantii yarayd oo aan dhabta ku hayo soo dul istaagay (inantu intii aanu Dr-ka sugaynay ayay miyir beeshay) dhakhtarki inta uu qoorta iyo xididdada qaar taataabtay ayuu si dareen la’aana kursigiisii ugu laabtay markaasuu na waydiiyay su’aal dhulka nala wareejisay, waxa uu yidhi “Saddexdiinan qof miyaydaan is dhaamin?” Oo maxaa dhacay? ayaan u celiyay, waar ilmaha aad sidataan waa mayd’e orda oo soo aasa, ayuu si canaani la socoto hadalka noogu yidhi.

Si aad ah ayaanu u naxnay, waxa noogu sii darrayd gacalada oo ay luguhu hayn waayeen halkii ay taagnaydna ku dhacday. Anigu waan is yara adkeeyay oo aniga oo heedadaw ah ayaan dibadda usoo baxay, ninkii aanu walaalaha ahayn ayaa qaadan kari waayay warkii dhakhtarka waanuu ku qayliyay, hadalladiisii waxa aan kasii xasuustaa “Waar dhakhtarna ma tihide jaahilyahaw ilmaha yar caadi u eeg” runtii isaga ayaan la yaabbanaa anigu oo waxaan garta siinayay dhakhtarka, in kastoo aan dhibsaday sida arxan darrada ah ee uu wax noogu sheegay, debedda ayaan u soo baxay labadoodina way isku qaylinayaan, mar danbe ayuu Diktoorkii soo baxay isagoo cadhaysan waxaanu si wadar ah noogu yidhi “Haddaa diideen inaad ilmaha yar aastaan waataase idinku cuna, Pharmacy-giina wuu ka baxay, weli ninkii aanu wada soconnay wuu ku qaylinayaa !!!!.

Markii dhaqtarki iska tegey ayaa nin dibadda taagan oo aan pharmacy-ga shaqo ku lahayni ii yimi waxaanuu i waydiiyay waxa dhacay anna si boobsiis ah ayaan ugu sheegay, inantii ayuu madaxa taabtay kuye “Waar ilmuhu wuu diirranyahay’e ma hubsannaa? Annaa waxaan ugu jawaabay “Adeer maya waayo dhaqtarka ayaa xaqiijiyay.” Intaa markii aanu is waydaarsannay ayuu ninkii aanu wada soconnay na maqlay markaasuu inantii iga dhuftay waxaanuu gacanta u geliyay ninkii cusbaa (waa nin wayn oo aan ku qiyaasay 60-65 jir, deggan oo af-gaaban hadalkiisuna yaryahay, gadaal ayaan ka baran doonaa ).

Aan idhaahdee dhaktarkii dhabta ahaa ayuu ahaa, intuu inantii qaaday ayuu saaray miiskii Pharmacy-ga ee dawooyinka lagu iibinayay, waxaanuu bilaabay inuu hadba dhan u rogo marba dhinac kaga yimaaddo, markuu muddo rogrogayay ayuu istaagay waxana kasoo baxay erey quus u dhaw “Malaa ilmuhu waa mayd?” ayuu yidhi. Anigu aad ayaan u dhibsanayaa waayo cadceeddiina way sii dhacaysaa haddii habeen madoobaadana xabaal qoditaankeeda iyo sida dad loo helaa waa dhib. Haddana dhakhtarki ma dayne go’aan dhakhso ah ayuu qaatay waxaanuu ku yidhi wiilkii pharmacy-ga hayay “ii dhiib faleebadaa isku jirta”, isnu degdeg ayuu ugu dhiibay, wuu diyaarsaday laakiin waxa ay belaayo ka dhacday inanta xididdadeedii oo dhan wuu waayay, laakiin meesha wax kale ayaa ka socdee meel aan xididba ahayn ayuu irbaddii ka taagay, waa bawdada badhtankeed , faleebadiina xoog ayuu u tuujiyay (dhuujiyay ), haddana ta kale ayuu u wareegay, haddana xundhurta dhinaceeda midig …. marka ay halkaa marayso ayaa salaaddii maqrib la aqiimay, waanu ka tagnay, soo tukannay sunne la’aan kuna soo noqonnay.

Ugu danbayntii waxa uu kaga muday xundhurta dhankeeda bidix. Markii ay dhibcihii u danbeeyay kusoo gororayaan ayuu inta uu labada kelyood qabsaday dib uga baxay isagoo aad u werwersan, inantii ismay beddelin, anna inay is beddeli doonto rejo buuran kama qabo, dhibicdii u danbaysay ayaa ku dhacday xadhigii faleebadana waa laga saaray waana la laalaabay, dhakhtarkii intuu dhaqaaq joogsaday ayuu labada gacmood intuu is dhaafsaday laabta saaray, waxa aanu nahay 8 qof = saddexdayadii + dhakhtarka + inanka pharmacy-ga + wiil la joogay + laba qof oo dibadda kasoo galay, dhamaantayo waanu aamusannahay, aniga iyo hoyadeed waxa aannu taaganahay madaxeeda, ninkii aannu wada soconnay, dhaqtarkii iyo nin kalena dhanka kale ayay kasoo jeedaan oo wajigeeda ayaa eegaya, annagoo dhanka quusta isula badannay ayaa ay hal mar indhaha kala qaadday, araggeedii koowaadna waxa uu ku dhacay ninkii aanu wada soconnay, intaa kumay ekaysane waxa kasoo baxay cod itaal daran oo ahaa ADEERO.

Waan hubaa siddeedayadii qof mid kastaa wuu dhaqaaqi kari waayay, hadalna wuu naga soo bixi waayay. Aniga markaas ayay naxdintii iigu xumayd igu dhacday, wadnaha ayaa aad ii xanuunay oo kursigi iigu dhawaa ayaan fadhiistay, hadalka waan idinku daaliyee waxa aanu pharmacy-gii kasoo baxnay annagoo inantii daadahaynayna.

Bal hadda qabsoo inanti shalay 20 OCT 2019 ka qalin-jebisay Jamacadda Beder .

Qisadan qoraalkeeda waxa igu kallifay :

xalay markii aan guriga tegay ayaan hore u arki waayay, markii aan idhi heblaayo meeday ayay igu yidhaahdeen “Waata berri qalin-jebinaysa oo suuqay kasoo adeeganaysaa”, halkii aniga oo taagan ayaan xasuustay waagaas wixii dhacay kaddibna wax aanan arkayn ayaa cod i maqashiiyay (MARBAAN IYADOO NOOL AASI GAADHAY) Haatuf ayaa la yidhaahdaa.

Arrinka kale ee layaabka ahi waxa uu yahay, ninkii aannu walaalaha ahayn ee maalinta ila socday laftiisu maanta ayuu ka qalin-jebiyay isla Beder university .

AKHYAAREEY:

Idinka mooyi wax idiin baxaye anigu waxa aan maalintaas aaminay :

1- In aynu aasnay dad badan oo nool .

2- In burburka innagu dhacay aanu ku ekayn dhismayaasha ama dhaqaalaha balse uu saameeyay garaadka, aqoonta iyo dareenka qofnimo .

3- Aqoontu haddaanay wadan akhlaaqiyaadkeeda (ethics ) waa bar kuma taal .

4- In aanay ummadda ka dhammaan dad dareen leh oo maalinta loo baahdo iyagu is keenaya .

5- In aynu marar badan dhibsanno wax ay dani inoogu jorto .

ALLAA MAHADLEH

20 /10/ 2019

W/Q: Sh. Khadar Badeed