21 ka October โฆ Maanta oo kele
Marka ay 21 Oktoobar soo geleyso waxa bilaabmi jiray guux iyo abaabul aad u ballaadhan oo ay dawladdii kacaanku bilaabi jirtay ugu yaraan bil ka hor si loogu diyaargaroobo dabbaal degga maalinta Kacaanka ee 21 ka Octoobar. Qof kasta oo ku nool dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya waxa lagu amri jiray in uu soo baxao maalintaas oo uu u dabbaal dego. May ahayn doonis ay dadku rabeen ย ee waxa ay ahayd mid Khasab ah oo qofka soo bixi waayaa uu ku mutaysanayo dil, xadhig ama ciqaab kele sida in uu shaqada waayo ama dugsiga laga eryo.
Annaga oo markaa ahayd dhalinyaradii Hargeysa ku noolayd wasaaradda waxbarashadu waxa ay hawlgelin jirtay maamulkii dugsiyada iyo macallimiinta si loo hubiyo in dugsi waliba uu soo xaadiro maalinta 21 ka Oktoobar, haddii taasi dhici waydo maamulka dugsiga, macallimiinta iyo masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada ee gobolkuba waxay mutaysanayaan xadhig laga yaabo in uu sannado noqdo, shaqada oo laga caydhiyo iyo ciqaabo kele. Waaba haddii aan qaran dumis inta lagu soo oogo la tooganba.
Sidaas darteed maanta oo kele waxa aanu guryaha ka soo bixi jirnay 4 ta habeennimo iyadoo weli dhulku madow yahay, dhaxanta dhacaysana aan bani aadam u adkaysan Karin. Haddana nalooma oggolayn shaadhka balcadda ee dugsiga oo weliba gacmo gaab ahaa mooyaane in wax kele laga soo dul xidho, xataa in wax laga hoos xidho lama oggolayn. Sidaas darteed ardayda inta isku xaafadda dhawiba way is urursan jirtay oo is weheshan jirtay maadaama dhulku weli madow yahay. Ballantu waxa ay ahayd Xerada Ciidanka ee Birjeex bannaanka ka dambeeya ee u dhexeeya xerada iyo Garoonka kubbada cagta oo markaa meel bannaan ahayd in la isugu yimaaddo. Lug baa halkaa lagu tegi jiray. Maadaama aanu shacabka degganayn waa inaanu markaa lug kaga soo tallowno dooxa si aanu u soo gaadhno goobta la isugu imanayo annaga oo dhaxan ilkaha isla dhacayna.
Halkaas baa Baroobo ama Tijaabo lagu sii samayn jiray oo dugsi walba inta fasal fasal loo xaadiriyo ka dibna safafka inta la galo garoonka gaardi lagu sii samayn jiray ilaa inta xafladdu ka bilaabmayso oo ku beegnayd ilaa 8 da Subaxnimo meelahaas. Qofka xaadiriskaa laga waayo maalintaa looma oggolayn in uu dugsiga dib u yimaaddo oo waa la eryi jiray, maadaama aanay dugsiyo gaar loo leeyahay jirin, qofkaasi waxbarasho laโaan in uu ku dambeeyo ayay noqon jirtay waana sababta waalidka ku kelifaysay in ay caruurtooda soo diraan si aanay waxbarashadooda u seegin.
Marka xafladdu bilaabato, dhamaan madaxdii kacaanka, saraakiishii ciidamada iyo madaxda kele ayaa soo xaadira Garoonka Salaanta oo ku ahaa goobta imika Cusbitaalka Adna ka dhisan yahay halkaas oo baamboydu muusiga ka garaaci jirtay dadkuna ay laamiga mari jireen iyagoo salaam siinaya madaxdaas Meesha fadhida. Gaardiga waxaanu markaa ka soo bilaabi jirnay Garoonka Kubadda Cagta annaga oo laamigaa dheer soo qaadayna ilaa aanu soo gaadhno goobtii salaanta oo salaanta aanu ku bixin jirnay ka dibna gaardigu isma taagayo ee sidaasuu ku soconayaa.
Waxa aanu markaa anaga oo gaardiyayna ka soo laabi jirnay gooladda Total loo yaqaan ama imika Gorgorka ay dhalinyaradan dambe yidhaahdaan halkaas oo aanu biriishka dhankiisa u soo laabano ka dibna cabbaar ka dib aanu halkaas ku kala dareeri jirnay qof walibana isaga oo daallan, gaajaysan, harraadan uu Meesha ugu dhow ee uu biyo ka heli karayo ku carari jiray. ย Sida guriga aad uga soo baxdo ilaa markaas iska daa wax kele ee xataa in aad biyo kabbato nalooma oggolayn oo gaardi iyo saf uun baanu ku jirnay.
Maanta oo kele 31 Sannadood ka hor sidaas bay maalintayadu ahayd โฆโฆ..
Waxa ay ahayd wax lagu khasbanaa oo qori caaradii ahaa. Waxa aan xasuustaa xaafadahayaga Subaxnimada hore ciidan baa guri kasta albaabka intuu garaaco xoog ku soo saari jiray dadka jooga. Mararka qaarkood cidda guri loogu yimaaddo waabay qaadan jireen oo waa la xidhi jiray. Guryaha mararka qaarkood dushaa la iskaga qufuli jiray si loo moodo in laga maqan yahay oo Oktoobarta loo baxay. Waxa la rabay in ay dadku noqdaan qaar oktooberta maraya iyo qaar goobta jooga oo sacabka tumaya.