Hadhkaygaa Lagu Gam’aa!!! (WQ: Bashir Maxamed Bashir)

 

Gu’iyo jiilaal midhaha,
Guudkayga Yaal,
Hoobaan baa laga gurtaa,
Hadhkaygaa Lagu Gam’aa.

Heesta”Hadhkaygaa Lagu Gam’aa” ee uu hal-curiyay Abwaan Halbeeg waxa ay ka kooban tahay hordhac kooban saddex hormo iyo dhextaal aan kala dhicin oo midba mid ka ashqaraansan yahay. Heestani Shacbiyada badan heshay waxa ay isku dersatay Luuqda Halaasiga ah ee Khadra Cabdi Silimoo oo aan laga xiiso goynayn, midho si farshaxan ah loo soohay, laxan quluubta beerqaadaya iyo muusig ruuxda xaradhaaminaya.

-Fanka heestu waxa uu magan u yahay quruxda iyo qiimaha lagu abyo ‘unko’ oo labaduba ah sooryada suugaan-yahanka oo dhinac ah iyo Fan-dhuuxa.
Heestani waa hees tusmayn iyo tilmaam dhegeyste kasta fikir-foof ku ridaysa. Waa hees hogotusaale ah oo falanqaynta waayaha adduunyadda ee gedgedoonka badan la falgalaysa, Khadri waxa ay si sarbeebaa inoo leedahay adduunyadu waa mid wareegta sida giraanta iskuna bedbedesha sida hadhka iyo labadiisa gelin, balse gedgedoonkaas adduunyo ay ubuc dhexaad midaysaa jirto ayay inagula shawraysaa kow dhaha.Hormoda koobaad ee heestu waxa ku bilaabmaysaa erayo dareen taabad leh, fariin fog oo qoto-dheerna gudbinaysa oo Khadri ku dareen godlanayso.

Laamaha Geed Sare Ku Yaal,
Haddii Midba Gees U Baxo,
Gantada U Aroorsaniyo,
Inteey Ka Midaysan Yihiin.

Khadri waxa ay heesta hordhaca ku cabirtay in ay gunta ka midaysan yihiin oo xidido hoose mideeyaan si wal oo waayahani u kala hiifay, waxa ay inoo carab dhabaysaa iyada oo ashyaa kale inoo hal-fabinaysa in Ubad isku hayo Mursal iyo iyadda
-Khadri iyada oo u quus goynaysa Baydka labaad waxa at dhoolotus u diraysaa Nacabka shidada ka dhex siraaday (siraadaya) noloshooda reernimo; waxa kale oo ay inoo irkanaysaa, cadaynaysaana in aan la goyn karin qoysnimada salka balaadhan.

Gacmaha Nacabiyo Gudbana,
Mawada Gooyaan Dhirtoo,
Galool Baan Ahay Nasaba.

Eesh Qiyaasak!!! Khadri labada sadar ee dambe waxa ay ku faanaysaa gaarinimadeeda dumarnimo iyo nasab-nimadeeda qofnimo waxa ayna tidhi.

Galool Baan Ahay Nasaba,
Gob Baan Ahay Liicin Abid.

-Si kastaba ha ahaatee suugaantu dhegeystaha ayay qiimo ku leedahay, Fanka Cudoonina waa mid socda aan se joogsan waa daaahrogga dhabta ku ah dhalanteedka joogtada iyo joogtaynta qulqulatada nolosha.

Qaalmaha geelee gu’ku dhala,

Hadeey magic guud ka simaan,

Gaawaha lagu soo lisiyo,

Haruubkaa lagu gartaa,

 

Bashir Maxamed Bashir
Fan-dhuux

Bashiirmaxamed653@gmail.com

063-4450487