Il-baxnimadii Giriigga (WQ: Prof. Cabdi Cali Jaamac)

Waxaynu soo sheegnay in adduunka ay soo mareen xadaarado ama ilbaxnimooyin badan sida tii Misepotamia, tii Masaarida, Hindida, Shiinaha, Giriiga, Romans ka iyo Islaamka. Xaddaaradahaas waxaynu faahfaahin doona saddexdii ugu danbeeyey ee nolosheena casriga ah ee aynu illaa maanta ku noolnahay saamaynta ku leh ama uu sii muuqdo raadka ay ku leeyihiin nolosheena maanta; waa xaddaaaraddii Giriiga, tan Romaanka iyo ta Islaamka, taas oo dadka qaar ay yidhaahdaan xaddaaradii Carabta.

Aan ku bilawnee xaddaaradii Giriigu waxay hano qaaday dhawr boqol oo sano ka hor dhalashadii Nabi Ciise; waxay ahayd magaalooyin (city states); magaalo kasta waxay ahayd dawlad iskeed u madaxbannaan; magaaladaas iyo tuulooyinka ku xeeran ayaa ahaa magaalo qarameed. magaalo qarameedna magaalo qarameed kale muu xukumayn; waxa dhex mari jiray dagaallo; waxay ahaayeen dawladahaasi dimuqraadi. waxa ugu caansanaa Athena iyo Sparta. inkasta oo ay ka midaysnaayeedn xagga luqadda iyo diinta iyo dhaqankaba may suuragalin in ay marna midoobaan oo sameeyaan dawlad wayn oo reer Giriig ah. Waxay isu haysteen in ay dadka ka sareeyaan, halkaas oo ay ugu yeedhi jireen dadka kale Barbariyiin.

Falsafadda;

Giriigii hore waxay caan ku ahaayeen cilmiga falsafadda; wuxu cilmigaasii ka bilaabmay Giriigga qarnigii 6 aad BC dhalashadii Nabi Ciise horteeed. Ereyga falsafad macnahiisu waa xikmad jacayl. waxa ugu caansanaa faylasuufyadaas Aristotal, Socrates iyo Plato; waxay is waydiiyeen nimankaasi su’aalo illaa immika ay socoto cilmi baadhistoodu.

Cabdo: Taariikhda, Diimaha iyo Falsafadda.