Imaaraadka Carabta iyo Somaliland (WQ: Ahmed Nour Guruje)

Wadanka Imaaraadka carabtu wuxuu ka mid ahaa dhulkii ay qabsatay dawladda Ingiriisku dagaalkii koo baad ka dib , iyadoo kula jirtay salaadiinta mandqada heshiis ilaalo oo iska magac u yaal ahaa .

Baryihii dambe ee Boqortooyadda ingiriisku diciiftay , waxaa ku adkaatay dawladda ingiriiska fulinta heshiiskii ilaaladda ee ay kula jirtay wadankan yar ee Imaaradah midoobay , sidaa darteed sanadkii 1966 ayuu Raysal wasaarihii ingiriiska ee Harold Wilson go’aamiyey in Bisha December 1971 uu dhamaanayo heshiiskii ilaalo ee labada dhinac .

Sanaddii 1971 markii Ingiriisku ka baxay , waxaa markiiba qabsaday jasiiradda Abu muusa oo ka tirsanayd imaaraha carabta wadanka Iran , waxa kale oo istaadhmay khilaafyo dhinacyada xuduudaha ah oo kaga yimi Sucuudiga iyo Oman .

Si kastaba ahaatee , Jasiiradihii qalalaa ee ingiriisku iskii uga tagay ee Iran u xoog sheegatay , maanta waa quwad ka mida quwadaha aduunka saamaynta ku leh , dhinacyadda siyaasadda , dhaqaalaha iyo Istaraajiyaddaba .

Dhinaca kale , Somaliland oo xornimo buuxdo qaadatay 1960 weli lug iyo laantoona ma hayso , waxaanay leexaysanaysaa meel dhexe oo aan cir iyo dhul toona ahayn .

Sababtu wax kale maaha , keliya waa hogaankii caynaanka u qabtay Imaaraadka ayaa caadaa mariyey , Somaliland waxay eersataa cidii caynaankeeda qabatay .