Suuq xiliyeedka (Fair Season) ganacsigu waxy uu bilaabmay bishii kow iyo tobnaad shan iyo tobankeedii ee sanadkii 1854, waxaanu sii socon-doonaa ilaa shan iyo tobonka bishan labaad ee sanadkan 1855 (on the 15th November 1854-on the 15th April 1855), waxa uu dhamaan doonaa oo uu soo gaba gaboobi doona wax iibsiga suuqani 15ka bosha April 1855. Markaasi waxa uu suuq xilliyeedkani shaqeeyaa wax iibsiga safaradu muddo shan bilood ah marka laaysku soo duuduubo sanadkasta. Sida aan hore u soo sheegnay labada Safar (two caravans) ee uugu culculus ama uugu shilshiles ee Berbera soo galaa waxa aay ka kala yimaadaan dhul weynaha Ogaadeeniya iyo Harar. Safarka ka yimaada dhulweynaha Ogaadiineya waxa uu keena wax soosaarka Somalida ee dibadaha loo dhoofiya gaar-haan carabaha iyo boqortooyada Cusmaaniyiinta, waxaana agabyada safaradoodu keenaan ka mida subaga, haragaha, foolka maroodiga, haraga libaaxa iyo ka shabeelk iyo bucsharado kale oo tayo badan leh. Safarka Harar ka yimaadana waxaa uu kaga duwan yahan Safarka dhulweynaha Ogaadeeniya ka yimaada isaga waxaa ku jira ganacsiga dadka oo adoon ka badan 3000 oo qof baay doorkan keeniin suuqa ganacsigan bilaama (15 november 1854-15th April 1855).
Kooxdayadu waxa aay ka koobnaayd laba iyo afartan qof. Cadan waxaan ka soo kiraaysaney askar Soomaaliya oo sifiican u tobobaran, waxaan rabay in aan askar badan oo ilaaladayada ah qorano,balse dawladii Ingiriis baa naga diiday iyadoo kharaska ka oradaysa. Aad baan u jeclaayn in aanu qorano ciidan badan oo iskugu jira Masaari, Nuubiyaan, Carab iyo Jareerba, balse sida aan xusay waxaa naga diiday kharashkooda oo aayka ordaayso awgeed dawladii Ingiriis ee Cadan joogtey.
Somalia aanu Cadan ka soo qoraney waxa aay u badnaayeen niman booliiska dawlada Ingiriis ee Cadan ka mid haan jirey oo khibrad badan u lahaa sahaminta dhulka, Ciidamada Carabta ah ee nala socdey iyo kuwa Nuubiyiinta ahba waxa aay khibrad u lahaayeen ridida qoriga weyn ee madfaca loo yaqaano (Flint Muskets) oo iyagana waxaanu u wadaney ridida madaafiicdaasi. Waxaa wakaalada aaanu Berbera ku joognay oo wakiil noo ahaa laba nin oo col-daahii goโay ahaa oo la kala yidhaahdo Jaamac Xassan iyo Buraale Nuux. Jaamac Xassan waxa uu ahaa reer Axmed Nuux, Buraale Nuux na waxa uu ahaa reer Gadiid; inkastooy labada ninba aay ahaayeen jilibka Nuux Ismaaciil, haddana iskumay sanbanaanaayn waayo labadooda jilib, hadda waaa Axmed Nuux iyo Yoonis Nuuxe colaadii dhexmartey 1836 ee laaysku diley cidda Berbera Abaan-nimadeeda haaynaaysa ayaa aay weli colaadaasi iyo xarashkeedii aay sii jirtaa oo labada jilib iskuma sanbanaana. Colaadaasi waxa aay dhamaatey 1847 kid markii Yoonis Nuux laga adkaadey ee Berbera laga soo saaray ee aay soo dageen Magaalo xeebeedka Buloxaar halkaasi oo aay Dekad yar ka xaadh xaadheen.
Waxaa kale oo nala socdey Balaayoyuus oo ahaa Majeerteen Lafta Maxamuud Saleebaan oo ee Harti kablalax Daarooda iyo nin Mijir Speke wakiil u ahaa markii uu Laasqoray tagey oo Cadan ka soo raacay oo la yidhaah Maxamed Samatar, Maxamed Samatar waxa uu isna ahaa Warsangali Bah Majeertaayn Harti Daarood. Balaayayuus waxa uu ahaa nin foojigan oo aqoon u leh Juquraafiga geyiga Soomaalida iyo cimiladiisa. Waxaa kale oo uu ahaa nin ku xeeldheeraa aqoonta deegaanka guud ee Soomaalida iyo reeraha dega jilibyadooda, waxaanu noo ahaa abaanka maddaxa hogaamineed ee sahanlka dhulka ee aanu ku hawlnaayn.
ntaasi waxa aay horudhac u ahaayd tiradii aanu ka koobnaayn iyo shaqaalihii nala socdey marka laaysku soo wada duuduubo waxa aay ahaayeen 42 qof aanu ka mid ahaayn aniga ,Mijir Speke, Mijir Herne iyo Mijir Stroyan oo aanu kuwada soconay Sahaminta Geyiga Soomaalida gaar ahaan Dhul weynaha Ogaadeeniya ilaa Webiga Shabeele halka uu ka bilaamo.
Waxaanu degmo deegaan ahaan aanu ka degeney oo aanu ka dhidibney Taandhooyinkayagii meel saddex maayl ka xigta Marsada Berbera dhinaceeda koonfureed oo buur yar oo taaga ah, waana meesha loo yaqaaney (Biyo-Finiiney). Buurtaa yar hoosteeda ayaanu degnay, xagga waqooyina waxaa nagaga begaanaa Xeebta Berbera. Waxaanu madaafiicdii aanu wadanay saarnay taaga sare ee Buurta. Maalintii dhamaantayo waxaanu ahaayn ilaalo, habeenkiise waxaanu samaayney laba askari oo roondo ah oo isbadela labadee saacadoodba mar habeenkii ilaa laga gaadhayo inta uu waagu dilaacayo. Mijir Stroyan waxaan dejiney oo aanu taanbuugiisii ka taagney dhinaca xigta midigta. Taanbuugyada waxaanu u dhidibney laayn-dheer oo qiyaas ahaan midkiiba midka kale u Jiro laba iyo toban talaabo. Mijir Herne iyo aniguna waxaanu degney badhtanka, dhinaca bidixna waxaa naga xigey oo hurdey Mijir Speke.
Habeenimadii uugu horaaysey iyo dharaarihii ku xigayba wax cabasho ah maanaan qaban oo Berbera waana soo dhawaaysey. Weloo odayaal Habara Awal oo na soo booqdey aaney ku faraxsanaayn Abaanimada Maxamed Samatar ee kafiilka u ahaa Mijir Speke. Inkastoo aay doonayeen in uu nin reerahoogu Abaan u noqdey Mijir Speke oo aanu hawada ka saarno Maxamed Samatar haddana markii aanu in cabaara doodney waay naga ogolaadeen in Maxamed Samatar loo daayo kafaaladiisa mar hadji uu Speke markii hore uu Caro-Warsangeli ka soo degay oo uu isagu abaan u ahaa.
Agabkii iyo shandadihii aanu sidanay waxaanu u astaaney goobtoodii oo awrtayadii halkii aanu ku tu,inay ayaanu badhtanka u dhigney, waxaananu ku dul wareejinay gaadh dag oo dablay ah. Fardihii aanu wadaynayna daafaha ayaanu kaga soo wareejiney oo aad baanu amaankooda u adkaayney. Gaadhka habeenimana sida aan kor ku soo xusay ayaanu u qaabaaynay in laba askari kolba heegan galaan iyagoo isbadalaaya inta uu waagi baryaayo; markase uu waagu baryo dhamaantayo wada heegan baanu ahaayn.
Prepared by:
Tiftir baan ku sameeyay
La soco Qormooyinka Dambe